Burco Cable Tv

Burco Cable Tv

Share

Warar , Ciyaaro Barnaamijyo

03/06/2026

Salaadiinta beesha Subeer Awal ayaa casuumad u sameeyey Suldaan Wabar oo dhowaan dalka ku soo laabtay iyaga oo sidoo kale guddoonsiiyey hadyado ay ka mid yihiin gaadhiga loo yaqaanno Hard top-ka oo ka mid ah gawaadhida ugu sarraysa ee laga adeegsado gudaha Somaliland.

30/05/2026

Maayir Cabdikariin Axmed Mooge, maanta;

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo aan wax deyn ah lagu lahayn Dawladda Hoose ee Hargeysa, isla markaana khasnadda Dawladda Hoose ay ku jirto lacag kayd ah.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo inta badan degmooyinka caasimadda Hargeysa ay leeyihiin xarumo cusub oo si casri ah loo dhisay loona qalabeeyey, kuwaas oo kor u qaaday adeegyada loo hayo bulshada.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo shaqaalaha Dawladda Hoose aanay hal bil mushahar la’aan noqon, isla markaana la siiyey mushahar-kordhin wax ku ool ah.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo caasimadda Hargeysa yeelatay dugsiyo si toos ah u hoos yimaadda Dawladda Hoose, kuwaas oo dib-u-dhis, dayactir iyo qurxin lagu sameeyey.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo muddadii uu xilka hayey aan hal maalin ka baaqan ololihii nadaafadda Hargeysa, taas oo ka dhigtay nadaafadda magaalada mid mudnaan gaar ah leh.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo Hargeysa yeelatay waddooyin badan oo leh nalal iyo iftiin habeenkii, kuwaas oo sare u qaaday bilicda iyo amniga magaalada.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo la hirgeliyey waddooyin cusub iyo kuwo dib-u-habayn lagu sameeyey, taas oo fududaysay isu-socodka bulshada iyo gaadiidka.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo la xoojiyey dakhliga Dawladda Hoose, lana kobciyey hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka.

▪️Wuxuu xilka wareejinayaa iyadoo caasimadda Hargeysa kusoo korodhay degmo cusub oo lagu magacaabo Gacmo-dheere, taasi oo ka dhigeysa degmooyinka caasimadda 9.

Khaalid fodhaadhi

Want your business to be the top-listed Media Company in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Togdheer
Burco