Abdalla Wallet
Financial services
prank gii ugu qosolka badnaa aduunka😀😀🙂
🚫🚫Digniin scam alert🚫🚫
Tani waa mid ka mida khayaanada ugu daran ee ka dhacda internet,ka
waana wax aanad Rumaysanayn inay tuug yihiin iyo in kale marka aad aragto xeeladaha ay adeegsanayaan waxaan kula wadaagi donaa sida ay u dhacday tani iyo sida loo adeegsaday xeeladan
kooxdan ayaa ah koox ajaaniib ah oo dadka ku dhaca internet,ka waxaa laga yaabaa in aad marar badan internet,ka ku aragtay videos noocan ah isla markaana aad ku qanacday oo aad rumaysan wayday sida ay been u tahay tani
hada waxaad aragtaa qof somali ah oo sharaxaya inuu shirkadan lacag maalgashaday isla markaan ka helay faaiido fiican uuna u mahad celinayo ok........
hadaba sidee ku dhacday arintani
ugu horayn (1)waxaa lagu odhanayaa lacag maalgasho oo noosoo dir si aanu kuugu shaqayno 24 hours kadib waxaad helaysaa faaiidada iyo lacagtaada oo wada socda
(2)marka aad lacagta dirto ama bixiso kadib waxaa lagu dhahayaa sug
(3)markii uu dhamaado mudadii laguu qabtay oo ah 24 hours waa lagusoo wacayaa
(4)waxaana lagu dhahayaa soo dhowow lacagtaada iyo faaiidadaada waa kuu diyaar
(5)waxaa laguso dirayaa isla hada kaliya waxaad samaysaa hal arin/mid/shaqo
(6)waxaad iska soo duubtaa video self oo gaaban waxaanad dhahdaa waan maalgashaday waana ka helay faaiido fiican
(7)ugu dambayn waxaad dhahdaa mahadsanid oo noosoo dir video gaas.................
habkaas waaye habka loo adeegsaday video,yada noocan ah waana xeeladaas habka lagu dhacay dadka somalied ..............
ugu dambayn Qofkii laba jeer ayuu dhibane yahay
(1)mar waxaa la dhacay lacagtiisii
(2)marna waxaa laga duubay video si dad kale oo somalied oo badan loogu dhaco ..................
hada waxaan filayaa inaad fahantay khiyaanadan noocan ah ....
insha alllah......Markasta waxaan kula wadaagi Doonaa kkatarka kugu hareeraysan....by abdalla wallet.....stay safe
13/09/2022
🚫🚫DIGNIIN🚫🚫
waxaa soo baxay Scamers cusub
sida aad sawirka ka aragto waxay kuu balan qaadayaan inay lacag kuu samaynayaan!(su,aal) adiga waligaa ma aragtay qof lacag u samaynaya qofkale mase aragtay meel lacag bilaash laysku siinayo ?
Tuugadani waxay adeegsanayaan
xeelada ah inay kuu samaynayaan USDT mining(USDT waa lacag Digital ah oo Internet,ka ka dhex shaqaysa) waxay ku dhahayaan maalinkasta waxaad helaysaa 600$-2,000$ Taas oo been ah
waxay kuusoo dirayaan link website fake ah oo ka samayso account markaad account Ka furato kadib waxay ku dhahayaan dhigo lacag
sidaas ayaa lagu qaadanayaa
lacag taada mana jirto wax lacag ah oo ay kusoo celibayaan intaa waxaa kuu xiga block
post dan waxay dhex wareegaysaa Facebook twitter iyo telegram fadlan ka fogow oo ha isku galin
stay safe ..Abdalla wallet
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Burao
Burco
252