ELMI LAW FIRM

ELMI LAW FIRM

Share

XAFIISKA ADEEGYADA SHARCI EE CILMI ugu kaalay adeegyo sharci oo laguugu fulinayo qiimo jaban iyo qaa

03/10/2021

Labada mooshin ee Golaha Wakiillada maanta la horkeenay ee la taliyeyaasha sharci ee Golahu midna jabiyeen midna ansaxiyeen Golahuna ansaxiyey labadu ba way jabnaayeen oo sharciga ma waafaqsanayn sababtoo ah:

Mooshinka ay la taliyeyaasha sharci iyo Golahu ba ay ansaxiyeen waxa lagu soo jeediyey:

1) wax-ka-badelka Qod. 10aad ee Xeer Lr.23/2019 faqraddahiisa (1,3) iyo (5,2&3) oo dhigaya in derejooyinka degmooyinka Baligubadle, Caynabo iyo Taleex oo ahaa (C) loo dalacsiiyo (B).

Ugu h**eyn, Xildhibaannada Golaha wakiilladu mooshin kuma keeni karaan in degmo la magacaabo ama la dalacsiiyo oo derejadeeda kor loo qaado ama lama dhimo sababtoo ah: waxay khilaafsan tahay mabaad'ida dastuuriga ah ee ku cad Qod. 109 (3) iyo Qod. 112 (3) Dastuurka dalka iyo Qod. 7 iyo 12 ee Xeer Lr. 23/2019 oo dhammaantood waajibinaya in magacaabida, kala xadaynta, wax ka badelka iyo derejooyinka degmooyinku ay ku yimaadaan qiimeyn lagu sameeyo arrimaha ay kamid yihiin baaxada degmada iyo isku filnaanshaha dhaqan-dhaqaale ee degmo kasta oo uu golaha Xukummadu marka h**e ansaxiyo kadibna uu u gudbinayo Golayaasha Baarlamaanka gaar ahaan Wakiillada. Sidaas darteed, haddaanay qiimeyntaasi jirin oo aan la sameyn ba, Golaha Xukumaduna aanu ansaxin una soo gudbin warbixintaas Golaha Wakiillada mooshin laguma keeni karo wax ka badelka derejada degmo lagu dalacsiinayo ama lagu dhimayo. Labada mooshin ee dalacsiinta degmooyinka khuseeyayna sidaas ayaanay sharciga u waafaqsanayn.
2) Arrinta kaabista Qod. 12aad ee xeerka oo mooshinka la ansaxiyey oo ah in kaabis lagu sameeyo Qod. 12aad ee xeerka oo khuseeya qiimeynta iyo wax ka badelka derejooyinka Degmooyinka oo la soo jeediyey in lagu kordhiyo faqrad 3aad oo odhanaysa "haddii Golaha Xukumadu uu Golaha Wakiillada ugu soo gudbin waayo dib u qiimeynta derejooyinka degmooyinka B iyo C muddada 2 sanno ah ee ay waajibisay faqradda 2aad ee qodobkani, Golaha Wakiilladu wuxuu awood u yeelanayaa in uu wax ka badel ku sameeyo derejada degmooyinkan, iyadna laguma kordhin karo Qod. 12aad ee xeerka iyadoo aan la soo jeedin waxna laga badelin faqraddaha 1aad iyo 2aad ee Qod. 12aad oo waajibinaya in wax ka badelka derejooyinka degmooyinka lagu saleeyo loona raaco qiimeynta iyo asbaabahaha ku cad Qod. 109aad Dastuurka JSL iyo Qod. 7aad ee xeerkan sababtoo ah iyadoo faqraddahaasi ay sidaas waajibinayaan dabada lagagama dari karo Golaha Wakiillada ayaa iska kordhin kara derejada degmo asbaab la'aan iyadoo aanay qiimeyni jirin oo waajib gudasho la'aanta Golaha Xukumada laguma xalaalayn karo awood asbaabtaas iyo deraasad technical ah u baahan sababtoo ah Golaha ayey waajib ku tahay oo ay awooddahiisa kamid tahay in uu waajibaadkaas kula xisaabtamo Golaha Xukumada - haddaanu awooddaas ku dhaqmi karin, tu kale oo technical ah isma siin karo.

Hadday dhacday ba oo la ansaxiyey awooddaas goormaa lagu dhaqmayaa oo ay Xildhibaannada Golaha Wakiilladu mooshin ku keeni karaan arrinta ay awoodda u siinayso faqraddan 3aad ee ay soo jeediyeen ee maanta la ansaxiyey? Wixii ka dambeeya Jeenawari 2022-ka sababtoo ah weli may dhammaan muddadii 2 sanno ahayd ee uu Golaha Xukumadu xaqa u lahaa in uu qiimeynta u soo gudbiyo Golaha oo ka bilaabantay 4tii Jeenawari 2020 oo uu xeerku dhaqangalay faafinta rasmiga ahna lagu soo saaray sida waafaqsan Qod. 75 iyo 76 Dastuurka kadib markii uu Madaxweynu saxeexay December 2019, kuna eeg 5ta Jeenawari 2022ka. Sidaas darteed, iyadoo marka h**e mabda'iyan aanay sax ahayn awooddaas uu Golahu isa siiyey, waxa khalad labaad ahayd in aanay xitaa iyadii sideeda ugu dhaqmin oo aanay sugin ba in ay dhammaanayso muddadan 2 sanno ahayd oo ay 3 Bilood hadhsan yihiin, isla maantana ay wax ka badeleen derejooyinkii saddexdaas degmo.

Sidaas darteed, labada mooshin ba qayrul dastuuri iyo sharci-darro ayey ahaayeen, go'aankaas Golahu uu maanta ku ansaxiyey Mooshinkaasna sidaas ayuu u yahay Hal xaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho oo uu sharci ahaan u jaban yahay.

Siddeed Muran oo h**e uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) 24/11/2019

Siddeed Muran oo h**e uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) “Malafsade ha dhaco! Xalaal-maal ha jiro! Dadku waa masee, ha mudh-baxo cadligu!” - Gaarriye (AHUN)

Want your practice to be the top-listed Law Practice in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Afgooye Street
Burco