Ardaa Cable TV

Ardaa Cable TV

Share

ARDAA CABLE TV - is Full HD cable TV - based in Burao - Somaliland -

12/10/2025

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Axmed Yaasiin Maxamed Faarax ayaa sameeyay Magacaabis iyo Isku-bedel.

07/10/2025

kooxda Goodir ee Burao
Ayaa Dhamaystirtey saxeexa ciyaaryahan Abdikhaalaq Messi.

Photos from Ardaa Cable TV's post 05/10/2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL Md, Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay kuna soo dhaweeyey Orod yahan heer caalami ah oo reer Somaliland ah oo ka yimid dalka Holand laguna magacaabo (Orod yahan Maxamed Cali).

Ujeedda soo dhaweynta Orod yahanka ayaa daarnayd:

✅️Horumarinta Ciyaaraha Fudud iyo Dhallinyarada Reer Somaliland.

✅️Horumarinta Dhallinyarada Baahiyaha Gaarka Qaba iyo sidii uu Wasaaradda iyo Ciyaraaha Fudud Wax ula qaban lahaa.

Waxa kale oo shirkan Agaasimaha Guud ku wehelinayey Agaasime Waaxeeddada WDH&C, La taliyaha Ciyaaraha Fudud iyo La taliyaha Arrimaha Ciyaaraha ee Wasiirka, Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud iyo Xildhibaan Axmed-yaasiin oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada JSL.

Ugu danbayntii Ag.Guud Cabdillaahi Jiidhe ayaa uga mahad celiyey dedaalka iyo horumarinta uu ciyaar yahan Maxamed Cali dalkiisa iyo dadkiisaba u hurayo ee dhinaca horumarinta ciyaaraha fudud iyo Dhallinyarada Baahiyaha Gaarka Qaba.

Photos from Ardaa Cable TV's post 05/10/2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md, Cabdilahi Maxamed Maxamed (Jiidhe) ayaa saaka gudoomiyay shir muhiim ah oo lagaga hadlayey horumarinta iyo fulinta mashruuca uu maalgeliyo Midowga Yurub (EU) ee Kickstart for equality, kaas oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, iyadoo la kaashaneysa hay’adaha Plan International, Nafis Network iyo Ubax Inspire.

Shirkan waxaa lagu falanqeeyay wixii horumar ah ee laga sameeyay mashruuca ilaa hadda, caqabadaha la kulmay, iyo howlaha muhiimka ah ee wali u baahan dhameystir.

Waxaa kalo Agaasimaha Guud Shirkan ku Wehelinayay Agaasimaha Waaxda Horimarinta ciyaaraha Hablaha , Nimco Xariir Cabdilaahi Iyo Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada , Maxamed Xasan Cabdi

Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la xoojiyo iskaashiga, la hubiyo in hawlaha qorshaysan la dhameystiro, iyo in la dardar-geliyo natiijooyinka lagu heshiiyay.

Photos from Ardaa Cable TV's post 27/09/2025

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL. Ahmed-yasiin Mohamed Farah ayaa maanta Magaaladda Burco Ka Daah-furey Shirka Wadatashiga Qorshaha Shanta Sanno ee Soo-Socda ee Qiimaynta Baahiyaha Khuseeya Horumarinta Arimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

Want your business to be the top-listed Media Company in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Afgooye - Opposite HEECO- HQ
Burco
063