Garowe Post
10k
Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa sheegay:
“Kulankii ugu horreeyay, Iiraan si cad bay noo sheegeen inay haystaan 460 kg oo yuraaniyam la sifeeyay, taas oo ku filan in laga sameeyo 11 bam nukliyeer ah. Tani waxay ahayd halka ay wada-hadallada ka bilaabeen. Way ku faanayeen arrintan, aad bay ugu faanayeen inay haystaan yuraaniyam ku filan 11 bam, iyagoo ka tallaabay dhammaan xeerarkii iyo nidaamyadii kormeerka.Iiraaniyiintu waxay yiraahdeen waxaan xaq u leenahay inan sifeyno dhammaan shidaalkeenna nukliyeerka.Jawaabteennu waxay ahayd: ‘Trump wuxuu aaminsan yahay inuu xaq u leeyahay inaan idin joojino gebi ahaanba.”
13/11/2025
Iiraan ayaa markii u horreysay dadweynaha u oggolaatay bandhig gaar ah oo lagu soo muujiyay hubka Iiraan ee isugu jira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Bandhigga oo toddobaad soconaya ayaa lagu arki karaa toban nooc oo gantaallada riddada dheer ee gudaha Iiraan lagu sameeyay iyo noocyada diyaaradaha Shahed ee aan duuliyaha lahayn.
28/10/2025
Trump wuxuu cadaadis saaraya dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar si ay u maalgelinayaan qorshaha dib u dhiska Qasa oo lagu qiyaasay $70 bilyan oo doolar, balse dhammaantood way ka labalabaynayaan.
Dal kasta wuxuu doonayaa dammaanad ah in dagaalku uusan dib u soo noqon iyo in uu yeesho saameyn siyaasadeed mustaqbalka maamulka Qasa, sida ay sheegtay Bloomberg.
Warbixinta oo lagu sharraxay shuruudaha saddexdam dal ay ku xireen maalgelinta Qasa, waxaa lagu sheegay;
•Sacuudiga wuxuu wajahaya culays miisaaniyadeed oo ka dhashay hoos u dhaca qiimaha shidaalka, mana rabto inay bixiyo dhaqaale aan shuruud lahayn.
•Imaaraadka Carabta wuxuu dalbanayaa dammaanad siyaasadeed oo qeexaysa cidda maamuleysa Qasa mustaqbalka, wuxuuna ku adkeysanayaa in Xamaas si buuxda hubka loo dhigo, iyo in maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed isbeddel lagu sameeyo.
•Qatar iyaduna waxay rabtaa dammaanad ah inay Israa|l ixtiraami doonto heshiiska nabadda, isla markaana waxay doonaysaa door muuqda oo ay ku yeelato siyaasadda iyo maamulka Qasa ee mustaqbalka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Garowe