Hanbile Youth Development Initiative
Hanbila Youth Development initiative is an advocacy organization that exists to coordinate collective action among youths through empowerment and leadership.
06/10/2025
Garowe, 06 October 2025: Agaasimaha Hay’adda Hanbile ayaa maanta ka qaybgalay Shirka Dhalinyarada Puntland ee Isbeddelka Cimilada (LCOY Somalia 2025) oo lagu qabtay magaalada Garowe. Shirka ayaa diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada ee la-dagaallanka isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo lagu dhiirrigelinayo hoggaamintooda siyaasadaha iyo hindisayaasha cimilada. Mawduuca shirka wuxuu ahaa: “Youth-Led Climate Justice and Resilience: Policies, Innovation, and Action for a Sustainable Somalia.”
Intii uu shirka socday, Agaasimaha ayaa ka hadlay daraasado dhawaan la soo bandhigi doono, kuwaas oo diiradda saaraya caqabadaha hortaagan casriyeynta xoolo-dhaqashada Puntland iyo saameynta isticmaalka caagadaha (plastic) ku yeesha caafimaadka, xoolaha, iyo deegaanka Puntland.
06/10/2025
Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) ayaa tababar iyo wacyigelin ku saabsan hanaanka doorashooyinka, Civic Education, iyo Voter Education siiyey gabdhaha ka tirsan barnaamijkeenna “Rising Voices: Young Women Leadership and Political Participation” ee ay fuliso HANBILE Youth Development Initiative, oo ka helaya caawin iyo taageero Puntland Development and Research Center (PDRC).
Tababarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo fahamka iyo ka-qaybgalka gabdhaha ee hannaanka doorashooyinka Puntland.
HANBILE waxay u mahadcelinaysaa Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) sida ay mar walba u garab istaagaan dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka siyaasadeeda ee haweenka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Garowe
Garowe
252