Dhugaal Media

Dhugaal Media

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dhugaal Media, Media/News Company, Garowe.

Photos from Dhugaal Media's post 03/09/2023

Nairobi: Wasiirada Qorshaynta, Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo hay'ado ka hawl gala Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Waftiga oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mohamed Said Faroole, wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Mudane Cabdifitaax Cabdinuur iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shirar la qaatay: Safiirada Sweden, Denmark, kuxigeenka Safiirka Jarmalka, masuuliyiin ka socda barnaamijyada horumarinta, xasilinta iyo arrimaha bini'aadanimada ee Denmark, Norway, Jarmalka iyo FCDO UK sidoo kale masuuliyiin ka socota mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunka iyo hay'adda GIZ.

Shirarka ayaa diiradda lagu saaray
1. Arrimaha bini'adantinimo iyo xasilinta Gobolka Sool
2. Mashaariicda horumarinta, gaar ahaan JPLG, mashaariicda adeegyada aasaasiga ah (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegga cadaaladda iyo amniga), doorashada hal cod iyo hal qof ee Puntland, casriyeynta hannaanka Maaliyadda iyo kastamyada Puntland, Mashruuca horumarinta Booliska ee JPP iyo guud ahaan horumainta dhaqaalaha.
3. Arrimaha Federaalka iyo barnaamijka Deyn cafiska Soomaaliya.

Shirarka ayaa ku soo dhammaaday guul.

Photos from Dhugaal Media's post 31/08/2023

Daawo Sawirada:Waxaa Magaalda Gaalkacayo Lagu Soo Dhoweeeyey Wafti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulle Mohamed

Guddoomiyaha Xiirirka Kubadda Cagta Puntland oo ay weheliyaan Madaxda Xirirka Kubbada Cagta Puntland iyo Masuuliyin Ka Tirsan Bahda Ciyaaraha Gobalka Mudug ayaa Soo Dhoweyey Gudoomiyaha oo u yimi ka qaybgalka Furitaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Gobalada Puntland.

Want your business to be the top-listed Media Company in Garowe?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Garowe