Hiigsi Data and Statistical Institute
Hiigsi Data and statistical Institute is an institute that offers online learning specializing in data analytics education.
30/06/2026
Macadka Hiigsi Data and statistical institute waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luuliyo, oo ku beegan maalintii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka isla markaana ay midoobeen Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Agaasimaha macadka Hiigsi Data & Statistical Institute mudane Abdirizak S. Fahie ayaa yiri:
"Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luuliyo. Waa maalin astaan u ah xorriyadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Aynu xusno halgankii geesiyaashii dalka u soo hooyay xorriyadda, isla markaana aan sii xoojino midnimada, wada noolaanshaha, nabadda iyo horumarka dalkeenna."
Ugu dambayn, macadka Hiigsi Data & Statistical Institute waxuu Alle uga baryayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed nabad waarta, horumar iyo barwaaqo.
Hambalyo 1-da Luuliyo!
Hambalyo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.
10/06/2026
Hiigsi Data & Statistical Institute waxay la safan tahay Garsoore Omar Abdulkadir Artan, waxayna ku bogaadinaysaa dedaalkiisa iyo kartidiisa.
25/04/2026
🚀 Tababar Guul Ku Soo Dhamaaday!
Khamiistii, 23-ka Abriil 2026, waxaa si rasmi ah noogu qabsoomay tababarka bilaashka ah:
Stata for Beginners: Data Handling, Variable Structure & Data Cleaning
Tababarkan oo ahaa mid aad u xiiso badan oo wax ku ool ah, ayaa ka qeybgalayaashu ku barteen:
📊 Sida loo maareeyo xogta (data handling)
🧩 Fahamka iyo habeynta variables
🧹 Data cleaning (missing values, duplicates, errors)
🔄 Recode & transformation
💻 Isticmaalka commands muhiim ah ee Stata
💡 Ka qeybgalayaashu waxay heleen aqoon muhiim ah oo si toos ah loogu adeegsan karo cilmi-baaris, M&E, iyo data analysis.
👏 Aad ayaan ugu mahadcelineynaa dhammaan ka soo qeybgalayaasha firfircoon iyo xiisaha ay muujiyeen!
📢 Tababaro kale oo soo socda ha moogaan – nala soco!
📲 Ku soo biir WhatsApp:
https://chat.whatsapp.com/F5VMZkuhfi18jhcK4pjrNa
📩 Faahfaahin dheeraad ah:
wa.me/252666031138
Microsoft Excel 103: Mastering Excel – 51 Functions Everyone Should Know
Lesson 9: counting with criteria and measuring spread.
Ma dareentay inaad marar badan aad ku wareerto sida loo tiriyo xog leh shuruudo gaar ah ama aadan si sax ah u fahmin kala firdhinta xogta (spread)?
Haddii aad kaa shaqeyso xog aadna tahay arday, macallin, maamule ama qofka jecel in uu ka shaqeeyo falanqaynta xogta casharkan iyo koorsada oo dhamaystiran si dhab ah ayey ku anfacayaan.
Koorsada Microsoft Excel 103: Mastering Excel - 51 Functions Everyone Should Know waa koorso si xeel dheer loo dhisay, kuna salaysan isticmaalka dhabta ah ee Excel. Waxaad ku baranaysaa sida xogta loo fahmo, loo habeeyo, loona falanqeeyo si sax ah iyadoo la isticmaalayo functions-ka Excel ka loogu isticmaal badanyahay. Koorsadani ma aha kaliya “sidee loo sameeyaa”, balse waa “maxaa loo sameeyaa, goormase la adeegsadaa”.
Isdiwaangali hada oo la xiriira
https://wa.me/252666031138
Wixii faahfaahin dheeraad ah, ku soo biir group-ka koorsada:
👉 https://chat.whatsapp.com/KoND1ov5nexImXfsw34A3j
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Main Street
Garowe
0000
Opening Hours
| Monday | 06:00 - 22:00 |
| Tuesday | 06:00 - 22:00 |
| Wednesday | 06:00 - 22:00 |
| Thursday | 06:00 - 22:00 |
| Friday | 06:00 - 22:00 |
| Saturday | 08:00 - 23:00 |
| Sunday | 07:00 - 23:00 |