PSU Student's Development Association
Join us and grow!
26/05/2026
Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda PSU, Mudane Abdihakiim Cimbiriq, ayaa booqasho ugu tagay Ururka Ardayda Jaamacadda Badda Cas ee magaalada Boosaaso.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta is-dhexgalka labada urur ardayeed ee Jaamacadaha PSU iyo Badda Cas, iyo sidii loo adkeyn lahaa isku xirka ardayda si ay isu waydaarsadaan aqoon, khibrado, xirfado iyo talooyin waxbarasho.
Gabagabadii kulanka, labada guddoomiye waxay isla qaateen in la hirgeliyo dhammaan qodobadii miro-dhalka ahaa ee kasoo baxay kulankaasi.
[email protected]
20/05/2026
Talaado, Boosaaso: 19/April/2026
Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda PSU ee PSUSDA, Mudane Abdixakiim Cimbiriq, ayaa kulan booqasho ah ugu tagay Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Africa, faraceeda magaalada Boosaaso.
Intii uu kulanku socday, waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta, iyo wadajirka ka dhaxeeya labada urur ardayeed.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, si kor loogu qaado horumarka ardayda iyo is dhexgalka ardayda labada jaamacadood.
[email protected]
18/05/2026
Isniin Bosaso: 18/April/2025
Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda PSU (PSUSDA), Mudane Abdixakiim Cimbiriq, oo safar booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ayaa ka qayb galay xafladda xilwareejinta iyo caleemo-saarka Guddoomiyaha cusub ee Ururka Ardayda Jaamacadda CityCOT Boosaaso.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo duco la wadaagay guddoomiyaha cusub, isaga oo u rajeeyay hoggaan wanaagsan, guul iyo horumar uu ku hoggaamiyo ardayda Jaamacadda CityCOT.
Madaxweynaha PSUSDA waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa labada urur ardayeed, si kor loogu qaado horumarka ardayda, is dhexgalka ardayda labada Jaamacadood.
[email protected]
10/05/2026
Sabti 9/April/2026
Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamuud Ahmed Cimbiriq, oo kaashanaya haayadda Unique Future Foundation (UFF), ayaa hirgeliyay tababar ku saabsan xirfadaha Report Writing.
Tababarkan ayaa ahaa mid muhiim u ah ardayda, waxaana ay ka faa’iideysteen aqoon ku saabsan sida loo diyaariyo warbixin sax ah iyo sida loo saxo khaladaadka ku jira warbixinada.
Ku dhawaad 40 arday ayaa ka qayb qaatay tababarka, kuwaas oo dhammaantood helay shahaadooyin dhammaystiran oo ay bixisay haayadda Unique Future Foundation (UFF).
PSUSDA media office
[email protected]
Garoowe puntland somalia
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Puntland State University
Garowe