Hon Abdirasheed Isburaash

Hon Abdirasheed Isburaash

Share

I'm A writer, Researcher , social activist , inspirer, protacting Right of his people and country...

24/04/2026

Ma sharci jabinbaa Mise Aqoon Daro shuruucda Golayaasha Deegaanka Puntland Marka loo Arko Waxa ku Keceen Xildhibaanada Golaha Deegaanka Jariiban ??

Waxay Jabiyeen xildhibaanada Dastuurkii Dowladda Puntland iyo Xeerarkii Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland iyo Nidaamka Dimuqraadiyada Curdanka ahaa ...

Waxaa baraha bulshada ku arkay warqad ay ku xusanyihiin magacyada golaha deegaanka degmada jariiban, oo ay u gacan haadinayaan shaqa aan shaqadooda ahayn oo ay gabeen shaqadii loo igmaday, tirada xildhibadaanada ku xusan warqadaas waa 3/2, warqadaas haday ku cadaato inay sax tahay, waxay si cad ah ugu tunteen oo jabiyeen dastuurkii Puntland, qodabada ay jabiyeen xildhibaanada golaha deegaanka waa qodobo culus, waxayna galeen dambiyo culus iyo qiyaano dastuurka iyo Xeerarka Doorashoyinka Dimuqraadiga ahaa ee Dowladda Puntland ,

Qodobada soo socdo.

Qodabka 2aad Sarraynta sharciga, Firqada 1aad iyo 2aad.
Qobakka 4aad Hannaanka Xukunka, Firqada 3aad.
Qodabka 5aad Dadka, Firqada 1aad iyo 2aad.
Qodabka 7aad Dhulka iyo Sohdimaha, Firqada 2aad.
Qodabka 14aad Xorriyada Fikirka, Firqada 2aad.
Qodabka 16aad Xorriyada Dhaqdhaqaaqa, Firqada 2aad.
Qodabka 26aad Dembiga iyo Ciqaabta, Firqada 1aad.
Qodabka 29aad Xaalada degdega ah, Firqada 1aad.
Qodabka 46aad Xisbiayada siyaasadeed, Firqada 5aad.
Qodabka 125aad Awoodah aiyo xilalka golaha deegaanka Firqada,1,2,3,4,5,6,7,8,9,10aad.

Qodobka 2aad Sarraynta Sharciga
1. Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.
2. Dhammaan hay'a daha Dawladda iyo dadweynuhuba waxayu hoggaansamayaan sharciga.

Qodobka 4aad Hannaanka Xukunka
3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay-lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.

Qodobka 5aad Dadka
1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka u dhashay Puntland iyo qof kasta oo Puntlandnimada ku helay qaab sharci ah.
2. Xeer u gaar ah ayaa qeexi doona Puntlandnimada, xaqa degenaanshada iyo kasbashada meeqaankaPuntlandnimada.

Qodobka 7aad Dhulka iyo Sohdimaha
2. Midnimada dhulka Puntland waa lama taabtaan, laguma xadgudbi karo, lamana kala qaybin karo.

Qodobka 14aad Xorriyadda Fikirka
2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan

Qodobka 16aad Xorriyadda Dhaqdhaqaaqa
2. Sharci iyo xeer-hoos aadyo u gaara ayaa caddeyn doona xadaynta xaqa dhaq-dhaqaaqa.

Qodobka 26aad Dembiga iyo Ciqaabta
1.Ciqaabta dembi waxay ku koobnaanaysaa qotka geystay faldembiyeedka

Qodobka 29aad Xaaladaha Degdegga Ah
1. Haddii ay dalka ka dhacaan dagaallo,weerar lagu soo qaado,gadood, masiibooyin dabiici ah, cudurro faafa iyo xasilloonid a dalka oo qalalaaso ku dhaco dammaanadaha ku cad qodobbada ,14,16,21, 22,23 iyo 24 si ku meel gaar ah waa loo laali karaa. Laalidda xuquuqda ku xusan qodobka 24 laguma dabbaqi karo kulamada iyo bannaanbaxyada diimeed,dhaqan iyo isboorti.

Qodobka 46aad Xisbiyada Siyaasadeed
5. Waxaa reebban xisbiyada iyo ururrada leh muuqaal ciidan ama qabiil

Qodobka 125aad Awoodaha iyo Xilalka Golaha Deegaanka

1. Golaha deegaanku wuxuu ka qeyb qaataa fulinta qorsheyaasha dawladda ee heer degmo oo ku wajahan adeegyada bulshada sida: Waxbarashada Asaasiga ah, caafimaadka, Xannanada Xoolaha , beeraha, nabadgelyada, biyaha, korontada, isgaarsiinta, ilaalinta deegaanka iyo guud ahaan mashaariicda horumarineed ee heerdegmo.
2. Go'aaminta, wax ka beddelidda iyo joojinta khidmadaha laga qaado dadweynaha ee la xiriira adeegyada uu fuliyo golaha deegaanku, iyo goynta tabarrucaadyo gaar ah oo laga rabo dadweynaha, laguna maalgeliyo mashaariicda hawlaha guud ee laga fuliyo deegaanka.
3. Oggolaanshaha iyo u baahinta dadweynaha ku talo-galka miisaaniyad-sanadeedka degmada oo ah dakhli iyo kharash isu dheellitiran.
4. Shaqaalaynta, dallacsiinta iyo ruqsaynta shaqaalaha dawladda hoose.
5. Dejinta sharci-hoosaadyo iyo awaamiir lagu fulinayo hawlaha iyo adeegyada loo qabanayo dadweynaha degmada.
6. Diyaarinta canshuuraha degmada loona gudbiyo wasaaradda ku shaqada leh si looga ansixiyo Golaha Wakiillada.
7.Dejinta qorshaha horumarinta degmada, hirgelintiisana ay la kaashadaan maamulka dhexe ee Puntland.
8.Golaha Deegaanka degmo kasta wuxuu maamulaa hantida iyo dakhli kasta oo gacantooda soo gala, wuxuuna xisaab-celin tifaftiran u gudbiyaa Hanti-Dhowrka Guud.
9. Gacan ka geysashada mashaariicda horumarineed ee ay degmada ka fulinayaan Hey'adaha Dawladda ee heer Qaran, Puntland iyo gobol.
10. Isticmaalka awoodaha iyo gudashada xilalka ay siiyaan Dastuurka iyo shuruucda kale.

Qalinkii Abdirasheed Isburaash

20/01/2026

Xaqiiq.

Waxa dhab ah in M/X Abdirashiid meel u socdo, sheekada uu labadan beri wadaana ay tahay kiis iska waal iyo hala isoo wacooy, Firdhiyese wali ma fahmin oo wuxuu ku hayaa war dastuurka aynu sameysanay aynu ku wada shaqayno lkn waxaan ka baqayaa in waagu ka beryo.

Abdirashiid anagaa is fahana oo warkiisana hayna, hadaba sidaa markay tahay Firdhiye waxaan kula talin lahaa Xildhibaanadii mooshinka ka keenay ninkan ee labada jeerna uu isagu waa firdhiyee is hortaagay, inuu fasaxo oo ka leexdo, si ninkaan meesha loo dhaafiyo.

Hadii kale waxa dhici doonta inuu sidii Abdirizak khaliif isagoo xasaanadiisa wato uu hargaysa la galo, waanu jiraa qorshaahasu oo hadaba wuxu safar u yahay nairobi ah, waxana halkaa kula balansan koox ciro ka socota, marka intaan dabinkaas iyo fadeexadaas la dhicin maamulka curdanka ah muran halaga bedbaadiyo.

Ina Garaad ismaaciil iyo ina Garaad Saleebaana hala yirahdo hawshan maamul baa leh oo haayado sharci dejin u samaystee ka dhex baxa, intii aad hawsha sii fogayn lahaydeen.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Garowe?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Martsoor Street
Garowe