Xasan idiris
xasan idiris
28/08/2025
سأل طالب استاذه في اللغة العربية :
- استاذي ماسبب مانحن فيه من بلاء ؟
فأجابه ...
= بُني ، عندما تكون الأخلاق فعل ماضي، والعنف فعل امر، والحرب مضارع، والسياسيون فاعل، والشعب مفعول به، والمال مفعول لأجله، والفساد صفه، والرواتب ممنوعه من الصرف، والضمير غائب، والمصلحة مبتدأ، والوطنية خبر، والصدق منفي، والكذب توكيد، وقلة الأدب تمييز، والإنتهازية مفعول مطلق، والوظيفة أداة نصب، والموظف حرف جر، والخزينة إسم مجرور، عندما يصبح الفقر حال، والأوجاع ظرف، والحياة جامدة، والسرور مُستثنى فلا عجب في أن يكون المستقبل مبني للمجهول ولا محل لنا من الإعراب...
إذا بتحب القصص والقرأءة أدخل صفحتي وأعمل متابعة
Indhawaydba murtiga gabay maan meerarine waxan maanka kuhaya milicsigeede maqaamki awyoonis iyo didiye miciisa eebaw iigu miciin
21/04/2024
Suugaanta Dhaqanka , Quruxda Dabiiciga ah iyo abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan ( Ganey )
Qaybta 1aad
Qof kasta oo u dhuun-daloola maansada iyo murtida soomaaliyeed , marka uu Xasan Ganey maqlo waxaa ku soo dhacaya roob lagu doogsaday , deegaan cagaaran , xoolo dararay , culimo digriyaysa , duqay damallada ku hoos shiraya , da'yar duleeddada ka ciyaar- tumanaya iyo jaad wal oo quruxi leedahay.
Mowduuc kasta oo uu abwaan Xasan Ganey ka maansoonayo , badanka waxa uu ka soo dhimbiil-qaataa dhaqanka soomaaliyed iyo quruxda dabiiciga ah.
Shakhsiyan , anigu waxa aan aamminsanahay in Xasan Ganey marka ay joogto suugaanta dhaqanka ah uu isagu calanka u sido , qodobkaana waxa uu kaga mudhay abwaannada kale ee soomaaliyeed [waa sida aan qabo e.']
Akhriste , inkasta oo ay muush tahay maansada iyo murtida Xasan Ganey , moolkiisana aynnaan ka geyoonayn haddii aynu gonda-deggiisa damacno ; waxa aynu gaar u miyan doonnaa qayb yar oo ka mid ah suugaanta Ganey ee dhaqanka badani ku meegaaran yahay. Waxa aanan ka cudur daaranayaa, in aanan soo wada gudbin karin dhammaan nuxurka ku duugan dhowrkan heesood ee aynnu soo qaadan doonno , maaddaama aan gelayo bad-weyn aan bilaale lagu dhuri karin iyo ceel aanan waadaantiisa haysan.
Haddii aad dhegaysatay ama dheehatay heesaha kala ah:- Dal-sankii Wiriir , Magan , Sayla , Dhaqan (Dhoomaha Sanaag) iyo Gayaydhle ; waxa aad tahay murti-dhaadhi , mucaashaq iyo macmiil ka adeegta moolka Xasan Ganey ee dhaqanka iyo quruxda dabiiciga ah ku muunadaysan.
Ku soo dhowoow moolkan cajiibka ah , inoona soo qaad heesta koowaad — waa Dalsankii Wiriir e'— oo ay talantaalli u qaadaan Xasan Aadan Samatar iyo Xaliimo Khaliif Magool , laxankana uu ku ladhay Axmed-nuur Cali Jaangoo.
Xasan Ganey isaga oo inantii uu jeclaa raba in uu jacaylka u sheegto , ayaa uu marka h**e maskaxdeeda/maskaxdeena dhex geynayaa deegaanka Wiriir oo roobkii dayrtu ka hooray , geelii rimaday ahaana dhalay oo ramad isu beddelay, da'yarta is-guratayna duleedd
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Gwu
Gebiley
26