Dhagax Kuure

Dhagax Kuure

Share

Soo booqo dhagax guure

28/10/2024

Sicir bararku xadhkuhuu goostay

18/10/2024

Yaa bixiyay amaradii ciidanka qaranka u horseeday jabka?

17/10/2024
14/10/2024

Sharcigu ha sareeyo
Halkay ku danbaysay

17/09/2024

Xasaanaddu maxay tahay?
Maxamed Abiib waxa uu xidhan yahay maalinkii 15aad

12/09/2024

Farriin ka timi Madaxwayne ku Xigeenka JSL

20/08/2024

Fashilka siyaasadda arrimaha dibedda !

17/08/2024

Dantii guud ee la bililiqaystay !

Photos from Dhagax Kuure's post 12/08/2024

𝐁𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐰𝐮𝐮 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐦𝐚𝐲, 𝐰𝐚𝐤𝐡𝐭𝐢𝐠𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡: ⁣
***********************************************⁣
Dhawaan waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL ay ku baahisay bogeeda in qalab iyo gaadiid ay kala wareegtay Hay'ad magaceedu yahay 𝐌𝐀𝐆 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 oo ka shaqaysa miino saaarka, hay'adda oo ka laalaabatay Somaliland. ⁣
Wasaaradda Qorshayntu qalabka kulama ay wareegin xaruntooda, waxa se ay lagu wareejiyay xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL , arrinkaas oo ka soo horjeeda Qodobka 36aad, faqraddiisa 3aad ee Xeerka Ururada Samafalka aan Dawliga ahayn, oo dhigaya, "Ururada Samafalka Caalamiga ahi wuxuu ku wareejinayaa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka dhamaan hantida iyo agabka xafiiska marka labada dhinac mid ka mid ahi go'aansado inuu soo afjaro hawl-galadii ururka". ⁣

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐚𝐲 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐪𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚? ⁣
Waxa lagu jiraa wakhti kala guur, waxa la isku dayayaa in dhamaan hantida guurtada iyo ma-guurtada ahba la dhaco. ⁣
Arrimaha ugu fududna waxa ka mid ah qalabka kala duwan ee haayaduhu ka tagaan marka ay dalka ka guurayaan, maa daama oo daba-galkoodu iska yaryahay. ⁣
𝐇𝐚𝐲'𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐀𝐆 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲, 𝐪𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚𝐧 𝐡𝐨𝐨𝐬 𝐤𝐮 𝐱𝐮𝐬𝐚𝐧: ⁣
1. (4) Gaadhi oo Landcruiser ah. ⁣
2. Laptopo tayadoodu aad u sarrayso. ⁣
3. Dhawr TV oo waawayn. ⁣
4. moobilo casri ah. ⁣
5. Kamarado duubis ah. ⁣
6. Printers oo casri ah. ⁣
7. Qasaalado, Talaagado, Shoolado, iyo Agab Gogol oo tiro badan.
8. Qalab Xafiiseed. ⁣
9. Qalab Jimcsi. ⁣

Qalabkaas kor ku xusan, oo aan lagu soo bandhigin gudaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sidoo kalena aan la sheegin qaabkii loola kala wareegay, iyo cidii lagu wareejiyay, dhamaantood gacanta uguma jiraan labada wasaaradood midna, umana ay soo gacan galin galin dawladda, si ay uga mid noqdaan hantida dawladdu leedahay. ⁣
Hase ahaatee, qalabkaas iyo gaadiidkaas ba waxa la wareegay ashkhaas gaar ah, waxaana ka wada shaqeeyay lunsiga hantidaas madaxda labada wasaaradood. ⁣
Sida muuqata, waxa lagu guda jiraa wakhti kala guur, Hanti-dhawrkii dalku ma shaqaynayo, sidoo kalena golayaashii sharci dajintu waxa ay ku mashquuleen olole iyo doorasho. ⁣
𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐢 𝐭𝐨𝐨𝐬 𝐚𝐡 𝐮 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐦𝐚𝐲 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐥𝐢𝐪𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚. ⁣

09/08/2024
Want your business to be the top-listed Travel Agency in Gebiley?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Gebiley