Maxaa Cusub

Maxaa Cusub

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maxaa Cusub, Media/News Company, Waa Xaafad Ka Mida Xaafadaha Hargeisa Ugu Qurux Badan, Hargeisa.

16/05/2025

😃😃😃😃 👇Dhamayso muuqaalka

13/03/2024

Kun askari oo wax dhintay iyo maxaabiis noqday cid ka hadashay majirto, walaa Madaxwayne walaa Taliye ciidan,

Dadka buuqaya ee leh Maayir Mooge ayaa kahadli waayay gabadh dhimatay, dadkaas intooda badan dhaliishu waxay katahay siyaasad, ee k**a aha daacad arrinka.

Kiiskaas shalay duhurkii ayaan warbaahinta ku arkay, waan is diidsiiyay inaan daawado oo aad baan uqariibsaday inay waxaaso kale kadhaceen Hargaysa, waa arrin aad uxanuun badan, reerka gabadhaasi kadhalatay waxan h**e ugasoo joognay dad badan oo inta laga laayo ay aayar mag iska guran jireen, balse si wax loogu qaato doorkan waxan rajaynayaa inay magta iska daayaan oo ninka marxuumadaa silica udilay la qisaaso.

Kuwa maayirka qabyaalada kudifaacaya lama yaabayo waayo waxa ka xun oo ka shar badan kuwa aan kahadlin kunkii askari ee halaagsamay ee waliba difaaca dembiileyaasha ciidanka qaranka jabiyay.

Alloow eex hanagaga tagin, aqoon la'aana na hanoo cadaabin.

01/02/2024

Taariikh / History.

Taariikhdu waa tagtadii kusoo martay, ama qayrkaa soo martay.
Tagtadaasi waa wixii aad soo martay badhaadhe iyo belaayo ba, Dadka caqliga usaaxiibka ahina tagtadoodi waxay u isticmaalaan inay wax kabartaan, oo wixii dhibaato soo maray ay wax uga bartaan si aanay mardambe dhibaatadaasi ugusoo noqonin. Ilaahay subxaanahu watacaalaa wuxu quraanka inoogu sheegay qisas badan oo kumamaan sano kahor dhacay, sababta qisaskaas quraanka kujira la inoogu sheegayna waxay ahayd inaynu wax kuqaadano, oo aynaan marin jidkii ay qoom inaga h**eeyay ku halaagsameen.

Hadaba anigu Taariikhda reer dadkayaga reer Somaliland siiba Qabiilka ISAAQ waxa aan kuhayaa dhacdooyin aad u xanuun badnaa oo inasoo maray, dhacdooyinkaas oo ay waajib inagu tahay inaynaan iloobin oo aynu maanka kuhayno si aanay markale usoo noqonin.

Waxaan arkaynaa maalmahan iyada oo dal jaarkeena ah oo abaal inagu leh la inagu dirayo oo la leeyahay waa cadaw, Majirto taariikhdana kuma taalo cadaawad gaar ah oo ina dhex martay Dalka Ethiopia, Dadka iyo Dalka Itoobiya qaran ahaan iyo qawmiyad ahaanba taatiikhda kuma taalo meel ay si isir ah inoogu dhibaateeyeen, (May dhicin abid in Ethiopia intay soo duushay ay magaalo ISAAQ leeyahay gashay duqaysay oo ay dad ISAAQ ah si isir sooc ah u xasuuqday) laakiin Taatiikhda waxa kutaala in (Somalia oo aan anagu iskeen ula midawnay ay si isir sooc ah noo beegsatay oo ay magaalooyinka ISAAQ duqaysay, Dadka ISAAQA xasuuqday). Somalia dii isir sifaynta gaysatay waxay diyaar garoobaysaa oo culimadooda iyo aqoonyahankoodu fatwoonayaan in markale la gumaado qabiilka ISAAQ.

Taariikhda waxa kutaala:
Somalia oo Shacab Isaaq ah xasuuqaysa
Ethiopia oo u gurmanaysa shacabka Isaaq ah.

Keebaa cadaw ah Somalia iyo Ethiopia?

Cadawga koobaad ilaa boqolaad ee Shacabka Somaliland gaar ahaan ISAAQ waa Somalia.

02/03/2021

WAR DEG DEG AH:
Ambassador DONALD YAMAMOTTO oo la badalay.
Safiirkii Maraykanka ee Somalia ayay dawladiisa Maraykanku ku eedeysay inuu ku fashilmay Somalia, isla markaana lagu badalay safiir kale oo Somalia iman doona maalmaha soo socda.
Badalaada Amb. YAMAMOTTO ayaa dhabar jab kunoqon karta madaxwaynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Want your business to be the top-listed Media Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Waa Xaafad Ka Mida Xaafadaha Hargeisa Ugu Qurux Badan
Hargeisa