Caddalool

Caddalool

Share

Madasha SAWRAC waa madal soo gudbindoonsa arrimaha Fanka, suugaanta, sawraca, iyo dhaqanka

18/09/2022

Gabyaaga Soomaaliyeed iyo Geerida

Noole walba oo dunidan guud saarani maalin buu dhashay, sidoo kale maalin buuna dhimanayaa. Aadamuhu waa mid ka geddisan noolaha kale ee Eebbe khalqay. Waxa laga yeelay noole qurux badan Alle ku faroyaraysatay, isla jeerkaana inta la karaameeyay ayaa xisaab iyo xaalad danbe la daba dhigay. Xisaabta aakhiro looma qarin ee si cad baa loogu qeexay, oo waxa loo soo diray Digayaal[Nebiyo].

Sidaas aawadeed, quruun waliba waxa ay isku wacdidaa oo wax isugu sheegtaa afkeeda iyo odhaahda ay isla fahmayaan. Gabyaaga Soomaaliyeed iyagoo midhkaa maanka ku haya, intooda badani arrintan si wayn bay isu dultaageen oo uga hadleen. Halkan hoose waxa ku yaal dhawr nin oo aan midba waxyar ka soo qaatay. Raggani waxay guteen waajib culus oo ummadeed. Alle ha ka ajar siiyo'e.

["..Wedku k**a ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
Nafle Aadan k**a wiil badnayn waana kii dilay
Waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede
Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta
Culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
Wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shayddaane.."]
~Salaan Carrabay, AHUN.

["..Hadday dunidu kheyr leedahoo la isu daynaayo
Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudki Nebi Aadan
Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene
Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin.."]
~Ismaaciil Mire, AHUN.

["..Wedku kuuma oga Yuusufoow wiil inaad tahaye
Waagii beryaba mawdku waa kugu wareegaaye
Waayeel caddaadiyo u siman weled saqiiriiye
Inaan waaratiin laysu qorin waa war la hubaaye
Waygii Ilaahay nin jaray laga wanaag roone
Shaydaan wixii weheshadaa weyllintuu kace'e
Waysada ha daynnina ayuu ina wadeecayne.."]
~Jaamac Axmed "Gacmadheere", AHUN.

["..Naxdin cadaw nayaayir iyo farax nabad la doonyaysto
Gu'goo naqa le jiilaalkiyoo nagi abaareeda
Naftii waliba way soo martaa noocyadaa badane
Natiijadu se waa geeridaan laga nagaanayne.."]
~Jaamac Cali Abaar, AHUN.

["..Waxaad maalmo daafdaafisoo dirac ismooddaaba
Marka mawdku kugu soo degee dubuq lagaa siiyo
Adigoo daciifaa qabriga lagugu duugaaye
Dareenkaa layaabka le adoo wada deddoonaaya
Daqiiqado naftii kaa tagtaa lagugu daabaaye
Malaa'iig Ilaah soo diraa kuugu soo dega'e
Degdegna waw su'aalaan wixii Daayin soo faraye
Dariiqii Rasuulkiyo[Scw] qofkii dawgi garan waaya
Dubbahay godkii kala dhacaan labada daamoode.."]
~Ismaaciil-SHawle Jibriil Siciid.

W/Q: Shaafici Maxamuud Muuse

18/09/2022

Re-post—MASASKA IYO MAGACYADOODA
Ibrahin Awale Febraayo 27, 2015

SANGOROFLE: Mid ka mid ah masaska ugu halista badan. Waa luqun ballaadan yahay. Waxana uu yahay jaadka afka qalaad lagu yidhaahdo “cobra”
JILBIS: Mas da’ weynaaday oo soo gaabtay ama dhammaaday. Waxa la yidhaahdaa aad bey suntiisu u daran tahay
LAAB IYO LUQUN MADOOBE: Mas halis ah oo astaamahaas leh
HALAQ: Waa mas gaaban oo midabkiisu madow yahay. Darnaanta suntiisa awgeed, qofka uu cuna a’ba ma yidhaahdo
ABGURI: Abeeso weynaatay oo jidhif yeelata sida masacagalayda oo kale. Waxana lagu naanaysaa ‘xasasjiif’ iyada oo degellada laga helo.
ABEESO: Waxa ay ku badan tahay dhulka gubanka. Aad bey u daran tahay sunteedu. Ciidda ayay cuntaa ayaa la yidhaahdaa.
GOOD: Mas surkiisu cad yahay. Darnaanta suntiisa awgeed, qofka uu cuna a’ba ma yidhaahdo, ama laguma soo gaadho. Waxa kale oo lagu naanaysaa ‘good laba afle’. Dhallinta ciyaargudka ah ee reer ciyaar ka dul qabsada, marka ay inantu u soo bixi weydo, ayay odhon jireen “naa soo bax good laba’afle ku cunye”!
ABUR: Waa mas aan dhibaato lahayn. Liidad leh, dhirta lagu dul arko oo ka ciya. Waxana la yidhaahdaa ‘mas wadaad’. Waa tii odhaahdi baxday "mas abur dhalay".
SUBXAANYO: mas aan wax cunin ama dhibaato u lahayn dadka.

22/08/2022
19/08/2022

Today, Africa (the world) lost a literary giant. Somali poet, philosopher and songwriter Mohamed Ibrahim known by the pseudonym Hadrawi, died at age 79.

Hadrawi, a prolific writer, was considered by many to be the greatest living Somali poet and “has been likened by some to Shakespeare.” He has written “many notable protest works” like Hooya la'anta ('Motherlessness') and his poetry has been translated into various languages.

In 2012, Hadraawi was awarded the Prince Claus Award for his contributions to peace through his poetry.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Hargeisa