Hanfi
U adeegista bulshadu waa muhiim
AKHRISTAHAA MAANTA WAA HOGAAMIYAHA BERI
02/10/2022
Vledamir putin, waa hogaamiyaha dal waynaya ruushka, laga soo bilaabo bilowgii 2000M ilaa hadda waa madaxwaynaha ruushka. Ruushka oo ah dal shuuci ah lehna hal xisbi qaran, ayaa ilaa hadda ka badalin madaxtinimada dalka ninkaas mayalka adag. kadib burburkii midowgii soofiyeetka(Soviet Union), ruushku wuxu noqday dalkii qaatay aqoonsigii soofiyeetka, Putin ayaa ku hanwayn inuu soo celiyo cududii iyo awooddii midowga soofiyeeti. Waxa la odhan karaa in uu noqday hogaamiye ka awood badiyay badi hogaamiyayaasha caalamka lehna hab maamul hogaamineed oo quman, inkasta oo aanu muslim ahayn hadana in la daraaseeyo hogaamintiisu waa mid muhim ah, si aynu caalamkeena u hogaaminno. dhamaan madaxda reer galbeedka ayaa noqday kuwo ku fashilmay la dagaalanka putin, qorshe walba oo ay ka yeeshana uu ka dhigaa mid fashil ah tan iyo ilaa 2000 T.M.
Putin iyo dalkiisa ruushku qorshe kasta oo uu ka yeesho siyaasadda arrimaha dibedda badiba waxa ay noqdaan kuwo uu ku guuleysto, sababto ah wuxuu galiyaa awood badan dhankasta hadii ay noqoto mid dhaqaale iyo mid ciidanba. kolay awoodda iyo saameynta uu ruushku ku leeyahay adduunka si fiican ayaynu uga dharagsannahay oo waa awoodda saddeexad marka dhinac kale laga eegana waa awoodda koobaad. Waddamada caalamka marka laga reebo reer galbeedka taabacsan maraykanka iyo maraykankaba mooye inta kale waxa ay yihin xulafo oo ay ugu h**eeyaan china & North korea, halka ay jiraan kuwo ka leh siyaasad dhexdhexaad ah.
Hadaba Vledamir Putin ayaa leh hab dhaqano u gaar ah oo badiba hogaamiyayaasha caalamka lagu arag(Sigma rules), waana habdhaqanada badana uu ku meel mariyo qorshayaashiisa guddeed iyo dibadeedba. Waxa ka mid ah in uu yasso ama ku dheeldheelo madaxda reer galbeedka sida madaxwaynaha france kulan koodi u danbeeyay uu ku sameeyay oo kale. Sababta u wayn ee uu yasitaankaas iyo habdhaqankaas u sameeyo ayaa ah, in uu farriimo ficilleed gaadhsiiyo ama u diro cadowga dalkiisa. Waxa jira hogaamiyayal uu si gaar ah uso dhaweysto gaar ahaan waddamada kalitaliska ah iyo kuwa shuuciga ahba.
Wuxuu badana jabiyaa sharciyada ay dhigaan reer galbeedku ee qaramada midoobay iyo ururada lamid ka ah ugu soo gabada, isago haddii uu danihiisa ka dhex arki waayo waxba aan kaso qaadin heshiisyadaas. Damiciisuna waa mid hirgala marwalba. badana waxa uu yidhaa "Waxa aan masuul ka ahay qof walba oo ruush ah" taas oo la micno ah midowgi sofiyeeti dhulkii uu ka talinayay ayaan madax u ahay, maadaamo dadka ruushka ahi ku noolyihiin badiba waddamadi ay soviet-ku ka koobnaayeen.
Waxa uu leeyahay siyaasad arrimo dibadeed oo gaar ah, waxa uuna kaliya ku kalsoonyahay qayb ka mid ah madaxda dalka, sidoo kale waa madaxwaynaha ugu amniga adag caalamka.
Inkasta ay jiraan waddamo muslim ah oo uu wax taray, sidoo kalena waxa jira waddamo badan oo muslim ah oo uu burburiyay uuna ugu h**eeyo dalka suuriya oo uu nooc kasta oo hubkiisa ah ku tijaabin jiray.
Hadaba waa maxay qorshaha cusub ee sannadkan 2022 putin mayalka adag hirgalinayo misena ku dabo dheeraatay fulintiisu ilaa hadda?
....................Conti.......................
Shacabku waxa ay u dhimanayaan Gaajo?!
"Shacabka Ethiopia, Kenya & Somalia adduunka waxa ay ka yihiin boqolkii laba(2%) dad ahaan, waxaana 70% soo foodsaartay cunto yari aad u daran. 12% waa dad baahan, 12% caruurta nafaqo-darada hayso aduunka ayaa ku nool saddexdaas waddan, waxaana ugu sii saameyn badan soomaaliya. Waxa aan aamisanahay in macaluusha hadda ka jirta ay laba jibbaar kasii xumaan karto macaluushii sanadkii 2011 ku dhacday ee ay ku naf waayeen 260,000 ee qof."
Agaasimaha guud ee gudida samato bixinta caalamiga ayaa hadalkan idhi.
Hadaba Soomaalay, ma siyaasad ayaynu ku mashquulnaa mise badbaadada nolosheena, keeba se muhiimsan maanta!. Gayiga Soomaalida idilkeed abaaro ayaa ka jira, sicir bararkiina ku darsamey, sidaaso ay tahay ma jiro siyaasi iyo cid kale oo og dhibaatadaas.
Alle ayaa inoo maqan runtii
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Somaliland Country
Hargeisa