ADAM Academy

ADAM Academy

Share

Akademiga horumarinta iyo udooddida dadka laga tirada badanyahay. #Like #Share

Photos from ADAM Academy's post 30/01/2026

, Magaalada Hargaysa waxa aanu si guul leh ugu qabnay kulan/tababar socday laba cisho (28 & 29-ka bishan), kaas oo loogu talagalay murashaxiinta Beelaha Gabooye, caawiyeyaasha murashaxiinta, iyo daneeyayaasha siyaasadda.
Kulankan waxa diiradda lagu saaray:

✔️ Hoggaan iyo matalaad
✔️ Ka-qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay
✔️ Fahamka nidaamka doorashooyinka
✔️ Xirfadaha isgaadhsiinta iyo la-falgalka cod-bixiyeyaasha
Kulanku waxa uu ahaa mid lagu xoojinayo awood-siinta, wacyigelinta, iyo ka-qaybgalka loo siman yahay ee Beelaha Gabooye ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Waad mahadsan tihiin dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo bah-wadaagta taageeray.

Photos from ADAM Academy's post 19/01/2026

Waxa si guul leh uga qabsoomay Magaalada Borama tababar socday laba cisho, kaas oo loogu talagalay Musharixiinta Beesha Gabooye, laguna xoojinayey ka-qaybgalka loo dhan yahay ee doorashooyinka iyo hoggaaminta siyaasadeed. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray: Hoggaan loo dhan yahay (Inclusive Leadership) Fahamka nidaamka doorashooyinka Ololaha doorashada iyo la macaamilka codbixiyeyaasha
Istaraatijiyadda warbaahinta iyo baraha bulshada
Ka-qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada
Matalaad cadaalad ah iyo anshax siyaasadeed
Ka-qaybgalayaashu waxay heleen aqoon, xirfado iyo waayo-aragnimo kor u qaadaysa diyaargarowgooda doorasho, isla markaana xoojinaysa doorkooda matalaadeed ee bulshada. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dhammaan ka-qaybgalayaashii, qabanqaabiyeyaashii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta tababarkan qiimaha badan.
Ka-qaybgal loo dhan yahay waa furaha dimuqraadiyad waarta.

Photos from ADAM Academy's post 27/10/2025

Hay'ada Maxaliga ee ADAM Academy ayaa Shir diirada lagusaarayo sidii Beelaha Gabooye ee Dagan Gobalka Awdal looga Soo saari Lahaa Xildhibaano Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada ah. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Koomishanka Doorashooyinka, sadexda Xisbi Qaran, Waddani, Kaah iyo Kulmiye, Ururada Arimaha Bulshada iyo Qaar kamid ah Madaxda Dhaqanka, Haweenka, siyaasiin iyo Aqoonyahan Beelaha Gabooye ee Gobalka Awdal. Dhinacyadan kala duwan ayaa si qoto dheer uga hadlay sidii loo suurto galin lahaa helintaaka matalaada Beelaha Gabooye ee Gobalka Awdal Deegan iyo wakiilaba iyadoo Dhinac kastaaba Balan qaadeen inay Doorkooda Qaadan doonaan.

Alla Mahahdleh

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00