JAMA. A. SAED

JAMA. A. SAED

Share

Help someone and you will get on spot

Photos from JAMA. A. SAED's post 29/07/2022

SIDA LOOGA HORTAGO DHAGAXAANTA KALYAHA KU SAMAYSMA (KIDNEY STONES)

1.Cab biyo badan 2-3 litir maalintii. Ku darso liinta ama cab casiirka liimiga.

2. Kordhi qaadashada liin dhanaanta. Citrate wuxu xannibaa samaysanka dhagaxa. Citrate waxay taageertaa pH-ga kaadida ee caadiga ah waxayna yaraynaysaa saturation crystals. Citrate waxay ku dhegtaa kaalshiyamka kaadidaada oo ay ka soo saartaa jirkaaga.

3. Yaree cuntooyinka ay ku badan tahay oxalates. Calcium oxalate stones waa nooca ugu badan ee dhagxa kelyaha. Heerarka sare ee oxalate iyo kaadida oo hooseysa ama yar ayaa sababa in kiristaalo(crystals) ay ku sameysmaan kelyahaaga. Oxalates waxaa laga helaa meel kasta oo ka mid ah cuntooyinkayaga, taas oo ka dhigaysa mid aan macquul ahayn in laga fogaado! Waxay aad ugu badan yihiin khudaarta caleenta leh, lawska, shukulaatada, strawberries.

4. Qaado calcium kugu filan. waxay hoos u dhigtaa qadarka oxalate ee dhiigga gala kadibna kelyaha ka soo baxa.Taasi waxay keentaa inay yaraato khatarta dhagxanta kelyaha.

5. Qaado magnesium ku filan. Magnesium waa xannibaadayaasha dabiiciga ah ee dhagaxa Inkasta oo magnesium uu ku jiro cuntooyinka, badi cuntooyinkaas waxaa ku badan oxalates sidoo kale. Ku kabitaanka magnesium ee cuntadaada maalintii oo dhan waxay hubisaa in jidhkaagu helayo in ku filan si uu ula dagaallamo dhagxaanta.

6. Iska yaree milixda. Cunto-soodhiyamku ku badan tahay waxay kicin kartaa dhagxaanta kelyaha sababtoo ah waxay kordhisaa qadarka calcium ee kaadidaada. Markaa, cunto-sodium-yar ayaa lagula talinayaa dadka dhagxaanta u nugul.

7. iska yaree borotiinka(hilibka) xoolaha . Cuntooyinka ay ku badan yihiin borotiinka xooluhu waa acidic waxaana laga yaabaa inay kordhiyaan acid ka kaadida. Acid ka kaadida oo sareysa waxay keeni kartaa uric acid stone.

8.Vitamin B6. B6 waxay caawisaa la dagaalanka samaynta dhagxaanta kelyaha. Fiitamiinkani waxa uu u shaqeeyaa si uu u dhimo wax soo saarka oxalate,Waxay kaloo taageertaa shaqada maskaxda waxayna yaraynaysaa calaamadaha rheumatoid arthritis-ka

Photos from JAMA. A. SAED's post 29/08/2020

Kanserka mindhicirka (Colon cancer )

Waa nooc kamida kansarka kaas oo ku dhaca mindhicirka wayn.
Colon kanserku waxa uu ku badan yahay dadka waawayn laakin waxa uu ku dhici karaa da' kasta, kanserkani waxa uu ku bilaabmaa burooyin yaryar (polyps) oo ku samaysma gudaha hoose ee mindhicirka kuwaaso mudo kadib isu bedela cancer.

Cancer kani waxa uu maraa ilaa 4 heer(stage):

Stage 1 . Stagekani waa ka ugu horeeya waxaana la arkaa unugyo(cells) aan caadi ahayn oo ku yaala gudaha hoose ee mindhicirka.

Stage 2 . Waa kan labaad unugyadaa kansarka ahi waxay weeraran gidaarada mindhicirka oo loo yaqaan (mucosa , submucosa and muscularis layer ).

Sage 3 . Stage kan unugyada kansarku waxay ku fidaan xubnaha la jaarka ah mindhicirka sida lymp nodes.

Stage 4 . Waa kan ugu dambeeya uguna khatarsan unugyadu kansarku waxay ku fidaan jidhka sida beerka iyo sambabada, tasoo qofku u dhinto aakhika.

Calaamadaha xanuunkan :

■ dhiig soo raaca saxarada
■ miisanka oo luma
■ ciirasho farabadan
■ calool xanuun
■ calool istaag ama shuban
■ daal farabadan iyo diciifnimo
■ dhiig la'an

Dadka khatarta ugu jira

♢ Qof familyga kamida oo u dhintay
♢ Buurnida
♢ Dadka sigaarka caba
♢ Dadka macaanka leh (type2)
♢ Dadka khamrada caba
♢ Qofka isticmaala cuntooyinka la qasacadeeyo
♢ Cunida Hilib ka cas

Sidee looga hortagi karaa

¤ Cunista khudaarta iyo midhaha
¤ jooji sigaarka
¤ ka fogow khamrada
¤ cunista cuntooyinka galka leh
¤ Jimicsiga maalintii 30 min
¤ iska yaree cuntooyinka qasacadaysan


garew oo la wadaag asxaptaada

Photos from JAMA. A. SAED's post 23/04/2020

RAMADAN KARIM ❤

15/04/2020

Waa maxay Coronary Artery Disease(CAD)?

CAD waxa weeye inuu xidhmo ama uu yaraado daloolka xididka Coronary Artery ga, badanaana waxa keena waxa loo yaqaano atherosclerosis.
Atherosclerosis waa inuu xaydh(cholesterol) ama fat ku samaysanto xidida dhiiga qaada gudahooda sida kuwa wadanaha. Taasi waxay keentaa inuu xididku xidhmo ama yaraado daloolka xididku,

Xaaladani waxay keenaysaa inuu yaraado dhiiga tagaya muruqyada wadnaha.
Wadnuhu waa muruq xoogan kaaso ka masuula inuu jidhka oo dhan gaadhsiiyo dhiiga oxygen ta leh , hadaba sida muruqyada kale ee jidhka wadnuhu wuxu u baahan yahay laftigiisu dhiig oxygen leh si uu shaqadiisa u qabsado . wadnaha waxaa dhiiga siiya xididka loo yaqaano coronary arteryga.

Hadaba hadii uu yaraado amaba istaago dhiigii tagayay wadnaha qayba ka midi , waxa la waayayaa oxygen tii iyo nafaqooyinkii dhiiigu siday kadib waxay keenaysaa in laabtu xanuunto qofka taasi oo loo yaqaano angina. Hadii aan xaaladan wax laga qaban waxay keeni kartaa in qaybo kamida wadnuhu dhinto , taasi oo ah xaalad khatara hadhowna ku dambayn karta inuu wadnuhu is taago

Dadka khatarta ugu jira:
● Raga badanaa
● Da’da qofka oo wayn
● Hadii walidkaa lahaa wadno xanuun
● Qoomiyadaha qaar sida, African Americans, American Indians.

Xaaladaha keeni kara lkn wax laga bedeli karo :
□ Cabida sigaarka
□ Subaga jidhka oo sareeya
□ Dhiig karka
□ Jimicsi la’aanta
□ Buurnida
□ Stresska
□ Cunto aan dheeli tirnayn

Calaamdaha xanuunka :
♢Laab xanuun
♢Naqaska oo ku qabta
♢Daal iyo diciifnimo
♢Dhidid
♢Wadanaha oo xoog u garaaca
♢Garaaca wadanaha ood dareento
♢Dawakhaad

Daawaynta xanuunka:
Wax ka bedel hab nololeed kaaga sida inaad ,
>Joojiso sigaarka
>Cun cunto fiican
>Jimicso si joogto ah
>Miisanka iska rid hadaad buuran tay
>Iska yaree stress ka faraha badan

Drugs :
♤Aspirin
♤Beta blockers
♤Ranolazine
♤Nitroglycerin

mahadsanid

Compiled by. Jama abdi

☆share garee oo la wadaag bulshada fadlan

Want your practice to be the top-listed Clinic in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00