QARNI TV

QARNI  TV

Share

Boggan kala soco; Warar Sugan, iyo Barnaamijyo Xiiso leh, ha la moogaan, Like, Comments and Share.

24/05/2026

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Canbaareeyey Xadhiga weriye is-daji oo Sheekh lagu xidhay.

23/05/2026

Raisal Wasaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegey in Somaliland caalamku aqoonsadey 26Jun1960 kursina laga siiyey qaramada midoobey. Wuxu intaa raaciyey in aanay dhicin ama aanay jirin dal Soomaaliya la yidhaa oo aduunku aqoonsadey.

Taariikhdu markey 1dii Juuley ee sannadkii 1960 ayey Somaliland ku darsatey dal aan jirin oo aan laheyn xuduudo sugan. Somalland ayaa u ilduuftey Soomaaliya oo sidaa ku noqdeen qaran macmal ah oo aan ku dhisneyn sharci.

Wuxu Benjamin Netanyahu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in uu jiro kaliya qaran iyo dal la yidhaa Jamhuuriyadda Somaliland oo leh xuduuda sugan iyo wixii dal shaqeynayaa lahaa oo aanu ku howlan nahey sidii aanu ugu soo celin laheyd kursigii qaramada midoobey ee ilduufkooda lagaga dhacey.

21/05/2026

"Waar Ninkani waa Nin Mareexaan ah hadduu Magaalada joogey Maxaad iigu Keeni weydeen abaal ayuu igu lahaaye"

Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal allahu Yarxam Madaxweynihii labaad ee Somaliland, ayaa Xili casar ah lug kaga soo baxey qasriga madaxtooyada, iyadoo aaney ilaalo badan iyo Wasiiro badan midna la socon haseyeeshee, ay la socdaan koox Katirsan hawladeenadii iyo Askartii Madaxtooyada oo aan Shan ka badneyn, socodkiisuna Wuxuu ahaa Mid uu Ku doonayey, innuu Ku jimicsado magaaladana waxoogaa Kusoo arko.

Kadib Markii uu inyar dhaafey, Cusbitaalka Hargeysa ayaa, Waxa ka hor Yimid Nin wadada cidhifkeeda Socda oo aad u buuran, oo aad Moodo innuu dalab Leeyahey, Madaxweyne Cigaal Ninkii ayuu aad ugu fiirsadey, socodkiina wuu hakiyey, markaasaa Ninkii oo iska war la,aa marka h**e hugunkii dareemay, ayaa ishiisii, ku dhacdey Cigaal oo beeb sita si fiicana usoo eegaya, Kadibna intuu tuurey, ushii uu ku tukubayey ayuu xagiisii usoo cararey, Askartii oo damcey inney ka joojiyaan, ayuu Ku yidhi,

"waar daaya daaya annagaa is garaneyna,e" si Fiican ayuu u salaamey, waxaanu Ku yidhi "waaryaa Hebel ma magaaladaad joogtey, Xageed ka timid, yaada la socotey"??? .

Intaa markuu isku dabagaliyey, ayuu Ninkii qiiroodey, waxaanu Ku yidhi "Madaxweyne sxb adigaan kuu imid, oo wax kuu soo doontey, cid ii kaa keentana Waan waayey, ninkii ugu dhawaa wuxuu igu yidhi, annaga nama ogolee waxaad raadsataa nin Mareexaan ah, ama Mareexaan la xidid aha oo kuu geeya"

Markuu Ninkii intaa Ku yidhi, ayuu Cigaal aad u qosley, oo yidhi "waa shayaadiin, wax walba wey qalin daarayaan" .

Kadibna Cabdi Idiris Ducaale Afhayeenkii Madaxtooyada Allahu Yarxame oo Ragii lasocdey ahaa ayuu u sharaxey oo Ku yidhi.

"Cabdaw ninkan ama waad Garaneysaa, ama ma garaneysid, koley Axmed Siciid Cige waa is garanayaan, Markii aan Xabsiga kujirey ayaan abaal badan u guntey, wuxuu ii keeni jirey, wixii aan ugu baahi badnaa, 'labaatan jiraw' garanka hoosta loo xidho, abaal ayuu igu lahaaye Maxaad iigu Keeni weydeen"

Ninkii Madaxweyne Cigaal wuxuu siiyey, lacag waxaanu Ku Ku balamiyay askartisii gaarka ahaa

21/05/2026

Garyaqaan Geeleed Dafac Oo U Jawaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

“Inankaas yari” dembi buu galay waa af la fahmi karo (inkasta oo uu yahay afkii xeer-ilaalinta ee aanu ahayn af wasiir). Gardarro ayuu ku hadlay oo waxa uu sheegay waa qalad, iyana waa la fahmi karaa (oo ma jiro qof aan gefi karin). Cadaw buu se u shaqeeyaa, waxa aan is lahaa waa laga gudbay oo xukuumadani arimahaas waa ka waayo arag.

Somaliland waa Jamhuuriyad shacabku leeyahay oo leh dastuur. Anna waxa aan ahay muwaadin reer Somaliland oo ogol dastuurka, gartaydana waxa ka garsoore ah shacabka.

20/05/2026

Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Gebilay, ayaa doortay Maayar cusub oo magaalada Gebilay yeelan doonto.

Mursal Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa xubnaha Golaha Deegaanka ee Gebilay ayaa loo doortay Duqa Gebilay.

Waa markii saddexaad ee muddo sannad gudahood ah, saddex Maayir xilka laga qaado Gebilay.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Hargeisa