Somaliland First
Somaliland first Taariikh
Kulmiye waa xisbi siyaasi waddani ah oo la asaasay bishii May ee sannadkii 2002.
U diyaargarawga Munaasibadda barakaysan ee 18May.
17/05/2025
Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Baahida Loo Qabo Diyaargarow Dhab ah oo Lagaga Hortago Rabshadaha.
Tan iyo markii Somaliland xorriyadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii, waxa soo noqnoqday marar kala duwan oo ay iska hor yimaadeen ciidamada ammaanka iyo dadweyne gadoodsan. Dhacdooyinkan, oo badankood ka dhashay cabashooyin bulsho, murano siyaasadeed, ama xaalado dhaqaale, waxa ay si joogto ah u muujinayaan laba arrimood oo halis ah: tan h**e waa faham la’aanta xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo booliiska, tan labaadna waa diyaar-garow la’aanta ciidanka ee xagga qalabka iyo xirfadda maaraynta rabshadaha.
Dhacdadii ugu dambeysay ee doraad ka dhacday magaalada Burco waxa ay ahayd mid kale oo xasuusin u noqotay heerka nuglaanta nidaamka amni ee marka ay timaado isu-soo-baxyo rabshado wata. Mar kale ayaa la arkay askar booliis ah oo aan haysan qalabkii lagama maarmaanka u ahaa in si nabad ah loo xakameeyo dad cadhaysan. Waxaa muuqata in aan weli laga baran casharradii laga filayey dhacdooyinkii h**e, taas oo su’aal weyn ka keenaysa sida dawladdu u aragto doorka ay booliisku ku leeyihiin ilaalinta amniga guud iyo dhowrista xuquuqda shacabka.
Inta badan marka rabshado dhacaan, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta qaranku waxa ay u hadlayaan si dareen celin ah oo aan ka duwanayn shacabka. Tani waxa ay muujinaysaa maqnaanshaha istiraatijiyad cad oo ay ku wajahaan xaaladaha noocan ah. Marnaba laguma arko inay si dhab ah u falanqeeyaan sababaha dhabta ah ee keena isku dhacyada ama inay la yimaadaan qorshe lagu horumarinayo awoodda booliiska si ay si waafaqsan sharciga iyo qiyamka bini’aadantinimada uga jawaabaan xaaladaha adag.
Dawladda waxa laga rabaa in ay si dhab ah u eegto baahiyaha ciidanka booliiska, gaar ahaan marka ay timaado qalabka lagama maarmaanka u ah xakameynta rabshadaha. Waxaa muhiim ah in booliiska lagu qalabeeyo gaadiid u gaar ah maaraynta mudaharaadyada, qalab ilaalin ah oo ilaalinaya naftooda iyo midda shacabka, iyo tababaro joogto ah oo ku saabsan sida loo wajaho dadka gadoodsan iyadoo aan la adeegsan xadgudub ama awood dheeraad ah.
Rabshadaha iyo gadoodka bulsho waa qayb ka mid ah xaaladaha ka dhasha cadaadis nololeed, siyaasad adag, ama dareen xaq-darro. Sidaa darteed, waa in dowladdu u aragtaa in xal waara aanu ku imaan karin xoog keliya, balse ku iman karo marka ay jirto kalsooni shacabka iyo booliiska dhexmarta. Tani waxa ay bilaabmaysaa marka booliisku noqdo mid qalabeysan, la tababaray, lagana warqabo duruufaha dadka uu la macaamilayo.
Ugu dambayn, haddii aan laga faa’iideysan dhacdooyinkii h**e, lagana baaraan-degin sababaha dhabta ah ee rabshaduhu ku salaysan yihiin, waxa sii jiri doona is-faham la’aanta u dhaxaysa booliiska iyo shacabka. Haddii aan si dhab ah loo diyaarin ciidanka booliiska, laguna xoojin qalabkooda iyo tababarkooda, waxa muuqata in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay noqon doonaan kuwo soo noqnoqda oo wiiqaya sumcadda amniga iyo xasilloonida Somaliland.
Abdihakim M Abdirahman.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Hargeisa