Somaliland Engineering Association
The Somalilandf Engineering Association (SEA) is a multidisciplinary organization of engineering societies dedicated to advancing the knowledge.
Ururka injineerada somaliland ee (Sea) waxaa uu hanbalyo u dirayaa dhamaan shaqaale waynaha somaliland si gaar ah waxa uu ugu hanbalyaynayaa dhamaan injineerada somaliland ee dedaalka balaadhan ugu jira sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka balaadhan ee ka socda dalka.
Ururka injineerada somaliland waxaa u taagan yahay mar walba inuu ilaaliyo xaquuqada shaqo ee injineerada somaliland.
30/04/2026
πππππππ πππ πππππππ
Dhamaan shacabka reer somaliland waxa aan ku diiri galinaynaa inay si balaadhan ugu diyaar garoobaan maalinta qaran ee 18.may 2026.
07/10/2025
Musuq-Maasuqii Ugu Weynaa ee Ka Dhacay Guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo Wasaaradda Caddaaladda Somaliland.
10 shirkadood oo ka qayb galay tartankii qandaraaska dhismaha xabsiga degmada Oodwayne, waxaan si adag uga cabanaynaa musuq-maasuq baahsan oo ka dhacay gudaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo Wasaaradda Caddaaladda.
Qandaraaskii waxaa si sharci-darro ah loogu leexiyay shirkad gaar ah, iyadoo:
- Lagu jebiyay xeerkii Qandaraasyada Qaranka (Lr.82/2018)
- Lagu tirtiray qiimihii saxda ahaa ee ay diyaarisay Wasaaradda Hawlaha Guud
- Lagu beddelay qiime aan shaqo ku lahayn mashruuca.
- Shirkadaha kale lagu sameeyay caddaalad darro iyo cadaadis dhaqaale
Tani waa fadeexad qaran, waxaana ugu baaqaynaa:
π Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
π Hantidhawrka Guud
π Iyo hayβadaha la dagaallama musuqmaasuqa
in ay arrintan si dhab ah u baadhaan oo cadaalad u helaan shirkadihii la dulmiyay.
Waxa cabashadan lasoo wadaagay Xafiiska Ururka Injineerada Somaliland. Sida ku cad waraqahan Hoose.
26/05/2025
Ururka Injineerada Somaliland iyo jaamacada Frantz Fanon oo Kala Saxeexday Heshiis Taariikhi ah
Waxa si rasmi ah heshiis iskaashi u kala saxeexday Jamacadda Frantz Fanon iyo Ururka Injineerada Somaliland (Somaliland Engineering Association). Heshiiskan ayaa salka ku haya kor u qaadista tayada iyo xirfadaha Injineerada dalka, iyada oo la abuurayo fursado waxbarasho, tababaro xirfadeed, iyo cilmi-baarisyo la xidhiidha cilmiga dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Iskaashigan cusub ayaa noqon doona mid fure u ah kobcinta aqoonta Injineerada Somaliland, korna u qaadi doona heerka xirfadeed ee ay bulshada ugu adeegayaan. Waxa sidoo kale heshiiska qayb ka ah in la sameeyo cilmi-baadhisyo la xiriira deegaanka, qaab-dhismeedka magaalooyinka, iyo hal-abuurka casriga ah ee dhismaha.
Hoggaamiyeyaasha labada dhinac ayaa muujiyey sida ay uga goβan tahay in la xoojiyo wada-shaqaynta cilmiyeed iyo horumarinta xirfadaha Injineernimo ee dalka.
Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay bulshada Injineerada iyo guud ahaan qaranka Somaliland.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Address
Road No 1 Omar Hashi Building Floor 4
Hargeisa
252
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 13:00 |
| Tuesday | 08:00 - 13:00 |
| Wednesday | 08:00 - 13:00 |
| Thursday | 08:00 - 13:00 |
| Saturday | 08:00 - 13:00 |
| Sunday | 08:00 - 13:00 |