LIXLE

LIXLE

Share

Nin labaatan jirey iyo Aduun wa legdamayaan
πŸ“±πŸ•¦β€οΈπŸŽ΅ ugu kaalay muuqalo ku xiiso galinaya

23/03/2026

Dheryalley

17/12/2024

DEG-DEG:- "Qaniimo cusub ayaa laga qabsaday huwanta...

24/05/2024

π˜”π˜’ 𝘩𝘒π˜₯𝘩𝘰 𝘫𝘒𝘀𝘒𝘺𝘭

Markii aan ku waaye
Maalmo soo wareegaba
Ma hadhada jacaylka
Maankayga geliyaa

Murugada naftaydaan
Male ugu idhaahdaa
May tegen marwadu weli

Markan soo xasuustaba
Ma hadhada markii qudha
Muuqaaga qarisee
Magacagyga kaa jaray

Mus koolkuna dan weeye
Ma bariday lays odhan
Maxaan kaa mustaystee
Murugada ku badayee
Mar qudha hadalka kaa xidhay?

Mudan baad ahydoo
Murankana umaad dhalan
Maxay tahay amuuraha
Maankaga gubaya'aaa

Muxubada jacaylkan
Nin magaabshaybaa garan
Mur iyo sun weyeen
Ma bugsadoo Ninuu helay

Ma masiibo aan galay
Maanta layga jarayaa
Ma midaynin dumarkoo
Maba badiyo koolke'ee

Midigtaydiibad tahay
Maxay tahay u jedada?
Maankagu kuu yidhi
Maxamed baa mideeye ah

Ama dumarka meersada
Mar qudha ismaan odhan
Minyarana ka daba keen
Iyada meherso mooye

Mugdibaan dhex jiifa
Maalin iyo habeeno
Miciin aan lahaynoo
Murugada la dhalasho ah

Marka aan ku tebo'ee
Miisanka maansada
Kugu maamuso aduguun
Mar qudha bal debecoo

Meher baa la marayee
Meer meerka soo dhaaf
Oo mudanta reerkiyo
Marwo khayrle ii noqo

Maxamed Axmed caydiid (Abwaan Holac)

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa