NAFIS Network

NAFIS Network

Share

NAFIS is the Network of 20 organizations working to end FGM/C in Somaliland To conduct studies on FGC and its harmful effects on collective basis.

Photos from NAFIS Network's post 24/12/2025

Dallada NAFIS waxay ka hirgalisay magaaladda Burao tababar laba maalmood ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfada ku saabsaan isbedelka cimilada iyo xuquuqul iinsaanka. Tababarkaas ayaa loo qabtay hablaha dhalinyaradda ah iyo hooyooyinka da’da yar si ay u noqdaan fuliyayaasha wacyigalinaha isbedelka isbedelka cimilada ee heer bulsho. Tababarkan ayaa lagu bartay halista isbedelka cimilada iyo sinaanshaha xuquuqda iinsaanka . Sidoo kale ka soo qaybgalayaashu waxay barteen xirfadaha wacyigelinta, u doodida iyo dhiirrigelinta xalka cimilada oo ka jawaabaya baahiyaha gaarka ah ee gabdhaha iyo hooyooyinka da’da yar. Ka soo qaybgalayaasha tababarka ayaa hogaamin doona ololayaasha wacyi-galineed ee heer bulsho ee xaafadaha Barwaaqo iyo Aadan Saleebaan ee Burao.

Photos from NAFIS Network's post 18/12/2025

Daladda NAFIS waxay ka-galisay magaalada Hargaysa kulan lagaga wada hadlayay dib-u-eegista Siyaasadda daryeelka caruurta iyo Siyaasadda la qabsiga isbedelka Cimilada. Kulankaas ayaa ahaa mid ay qayb ka ahaayeen 35 xubnood oo ka kala socday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasaaradda Shaqadda Arimaha Bulshadda iyo Qoyska , bulshadda rayidka ah, dhalinyarada, iyo xubno ka socday ururada dadka la nool baahiyaha gaarka ah. Ujeedada kulankaas ayaa ahaa dib-u-eegis, hubin iyo sidii loo waafijin lahaa siyaasadaha xuquuqda carruurta iyo Isbedelka cimilada ee Somaliland arimaha khuseeya caruurta iyo haweenka.

Photos from Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL's post 04/12/2025
30/10/2025

“Wada sheekeysiga jiilashu waa bilowga isbeddelka, marka jiilal kala duwan wada hadlaan, bulshaduna waxay xal waara ka gaadhaa caadooyinka waxyeelada u leh bulshada.”

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Hargeisa