Sir askar

Sir askar

Share

Fikir qoto dheer. Aragti fog. Nolosha runteeda. Siyaasad | Quraan & Science | Waaqaca Nolosha
Psychology 🧠 | Philosophy 📚

16/04/2026

📰 WAR CUSUB: Xiisad Ka Taagan Berbera iyo Badda Cas
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Somaliland ay si rasmi ah ugu bandhigtay Mareykanka fursad uu kaga dhisan karo saldhig ciidan oo ku yaalla dekedda Berbera, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Badda Cas.
Soo jeedintan ayaa timid kadib markii weerarro isdaba joog ah oo ay fuliyeen Xuutiyiinta Yemen ay halis geliyeen maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb Strait.

30/03/2026

Qoraalka hoose waxa yidhi madaxweynaha dawlad deeganka somalida ..

Shalay, Maanta iyo Bariba waxaan nahay Soomaali. Dhiig iyo lafo kaliya maaha ee dheecaan iyo dhididba waxaan nahay Soomaali. In aan xuquuqahanaga siyaasadeed ku dhex raadsano dalka Itoobiya anagoo ah muwaadiniin kuma xidhnaan karto shuruud ah in kolka h**e aan meel iska dhigno Soomaalinimadda. Ma jirto Itoobiya qowmiyad la leeyahay ma sheegan kartid magaca qowmiyadda aad tahay.

Waxaa markaa la yaab leh in isla kooxihii Xukuumadii dad-qalatada aheyd ee naga h**eeysay ku amray sida kale waad isu kaaya ekeeysiiseen oo waan idin aaminay ee laakiin calankiinana kaanaga u yar ekeeysiiya oo midab jaale ah ku dara, ay wali la muraara-dilaacsan yihiin sideed noo shabihi waydeen oo aad ugu madax banaanaateen inaad ku dhiirataan inaad astaamo aanaan raali ka ahayn samaysataan, isuguna yeedhaan magacyo anagu aanaan jecleeyn.

Waxay mooggan yihiin in shacabka Deegaanka Soomaalidu uu ka gudbay xiliyadii ay horjoogaha ka ahaayeen kuwo ka carara shacabkooda, taariikhdooda, diintooda, halgamaayadooda, iyo astaamahooda.

Xukuumadda dalka maanta ka arimisa iyo Xisbiga taladda haya ee Barwaaqo waxaa ka go’an hirgalinta nidaam federaal dhab ah. Waana laga gudbay xiliyadii shacabka Deegaanka Soomaalida lagu handadi jiray waxaad tihiin argagixiso iyo gooni-goosad. Kuwa wali ku fikiraya in far-fiiqyo noocaas ah loogu habran ama looga carari Soomaalinimadda iyo Islaanimaduna laf ayay toobin ku hayaan.

Wabilaahi Tawfiik.

22/12/2025

Dhallinyaroy, dhegaysta dardaaran da’ iyo waayo-aragnimo dheer,
dal aan dadkiisu daryeelin, dawlad ma noqdo.
Dadnimo la’aanteed, dastuur iyo darajo midna ma shaqeeyo.

Dalka waa hooyo,
dhulku waa dhiig,
diintuna waa tiir.
Midkoodna ha dayicin, hana ku doorin dano gaaban.

Dowladdu dad bay ka dhalataa,
dadkuna dawlad bay dhistaan.
Haddii dadku daacad noqon waayaan,
dawladdu dulmi bay u dhacdaa.

Dhulka ha dhoofin damac darteed,
hana u dhiibin cid aan damqasho lahayn.
Dhul la dayacay, dad buu dabar gooyaa,
dhul la dhowrayna, dad buu daryeelaa.

Dirir iyo dillaac naga daa,
dib u dhis iyo wadajir u dadaal.
Qabiil hadduu kaa weynaado qaranka,
qaranku wuu dumo, qabiilkuna wuu dabar go’aa.

Dhallinyaradu waa dabka berrito,
haddii la hago way diiriyaan,
haddii la dayacana way gubaan.
Ha u adeegsanina dano siyaasadeed oo duugoobay.

Ugu dambayn,
danta guud ka dooro tan gaarka ah,
daacadnimo ka dhig dariiq,
dulqaadkana hub.
Sidaas ayaa dalku ku badbaadaa,
ummadduna ku baraarugtaa.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address


150
Hargeisa