MASAF

MASAF

Share

MASAF stands for a creative environment and space to thrive the youth and the vulnerable groups.

23/03/2023

MASAF waxay ugu hambalyeynaysaa ummada Muslimiinta ah dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan. Waxannu idiin rajaynaynnaa soon caafimaad qaba iyo cibaado suuban.

Photos from MASAF's post 21/03/2023

MASAF wuxuu soo agaasimay madal lagu falanqaynayay khatarta xanuunnada maanka iyo sida ay haweenku ugu nugul yihiin. Madashan ayaa kulmisay dhakhaatiir ku takhasusay xanuunada maanka, hablo la soo tacaalay xanuunada dhinaca maanka, hablaha u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo arday ku jira jamacadaha. Intii falanqayntu socotay, waxa lagaga faallooday sidii loo dabarjari lahaa boogeynta iyo dhaliil-u-yeelidda dadka la nool xanuunada maanka, taas oo loo bahanyahay in lagu beddelo dhaqan salka ku haya isku naxariisasho, la dareen noqosho iyo aminaad.

13/03/2023

Ururka MASAF ayaa ka qayb galay madal uu soo agaasimay Xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa, taas oo ujeeddadeedu ahayd soo bandhigida hal-abuurka ganacsi ee ay sameeyeen hablaha dhallinyarada ah. Madashan ayaa ahayd mid ku sidkanayd xusidda ‘Maalinta Calaamiga ah ee Haweenka’.

08/03/2023

Happy International Women’s Day to all the Women who are instrumental and indispensable in our endeavors to have a society in which human dignity and rights are secured and materialized.

22/02/2023

Ururka MASAF waxaa u qabanayaa tababar soconaya hal maalin oo ku saabsan ‘Habcurinta xogta iyo tayaynta isticmaalka Baraha Bulshada’. Tababarkan waxa loo qabanayaa oo ka qaybgalaya hablaha iyo haweenka leh hal abuurka. Tobabarkan ayaa loogu talogalay inuu kaabo sidii ay u soo bandhigi lahayeen sugaantooda iyo halabuurkooda marka la joogo mareegaha iyo baraha bulshada. Haddaba, ma ka mid tahay dadka loogu talogalay? H**e isu diiwaangeli! Tirada la qaadanayaa way kooban tahay..

F.G: Ma jirto wax lacag ah oo la-tababaruhu bixinayaa.

11/12/2022

Want your establishment to be the top-listed Arts & Entertainment in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Floor 3, Durdur Mall, 2nd Road, 26 June District
Hargeisa