Faa'id Development Center

Faa'id Development Center

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Faa'id Development Center, Nonprofit Organization, roudno 1, Hargeisa.

31/05/2026

Ogeysiis Muhiim ah oo Ku Saabsan Fursad Deeq Waxbarasho
(Full Scholarship Diploma Programs)

Xarunta Faa’id Development Center, oo kaashanaysa jaamacadda Frantaz Fanon , waxay si gaar ah ugu bishaareynaysaa dhallinyarada magaalada Hargeysa in ay u diyaarisay fursado deeqo waxbarasho ah oo dhammaystiran (Full Scholarship).

Barnaamijkan waxa xoogga la saarayaa Diploma Programs-ka kala ah:
• Psychology
• Cypersecutiy
• Law
• IT
•Acouting
•Teacher training

Ku soo biir WhatsApp Group-kan:
https://chat.whatsapp.com/EBjZmwFdMSL3NhryKRJWny

Waxa la dhiganayaa Khamiista iyo Jimcaha, sida oo kale waxaa jirta fursad online ah, oo ay kaga faa’idaysankaraan dadka aan Hargeysa joogin.
Waxa kale oo jirta fursad qofku Degree ku heli karo marka uu dhamaysto Diploma-ta uu qaatay.
Fursaddu waa mid xaddidan!
Waxaa Diploma walba la siin doonaa 30 -ka arday ee ugu horreysa ee iska diiwaangelisa xafiiska Faa’id Development Center.
Xafiiska Faa’id Development Center wuxuu ku yaala
Fooqa Star Group, dabaqa 3-aad, kasoo horjeedka Kaalinta Xasan, uuna dhaw biriishka weyn ee Hargeysa.
Waxbarashada waxaa lagu dhigna doona jamacada.

Call & WhatsApp:

0634688151,
0633893904,
0643736272

Photos from Faa'id Development Center's post 24/05/2026

Xarunta Faa’id Development Center ayaa booqasho iyo kormeer ugu tagtay ardaydii sannadkii h**e ka faa’iidaysatay barnaamijka deeqaha waxbarasho ee ay iska kaashadaan jaamacadda Alpha University iyo Xarunta Faa’id Development Center.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta ardayda, la socodka horumarkooda waxbarasho, iyo xoojinta dadaallada lagu taageerayo dhallinyarada waxbaranaysa.

Waxaa kormeerka hoggaaminayay Guddoomiyaha Xarunta Faa’id Development Center, Cabdisalaan Kayse Cabdi, Agaasimaha Guud ee Gobolka Togdheer Asli Ibraahim, iyo maamulka Jaamacadda Alpha University.

Barnaamijkan deeqaha waxbarasho ayaa door weyn ka qaadanaya horumarinta aqoonta iyo kobcinta mustaqbalka dhallinyarada Somaliland.

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Roudno 1
Hargeisa
252