Silanyo National Library

Silanyo National Library

Share

page of Somaliland's National Library in Hargeisa, serving 1.2 million people. Silanyo National Library is an investment in peace.

Photos from Silanyo National Library's post 13/09/2025

Falanqayn Buug:
Madasha , waxa taariikhdu ahayd 11/08/2025 ee jimcuhu soo gelayey lagu falanqeeyey buugga cinwaankiisu yahay “Caqliga Qabyaaladda iyo Saykoolajiga Wadajirka” oo ah buug akaademiya, si qoto dheerna uga hadalaya qabyaaladda iyo nolosha aadamaha. Waxa soo bandhigay Wasiirkii h**e ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Abdiweli Abdillahi Soufi.

Sida magaca ka muuqata, buuggu waxa uu diirrada saarayaa qaabka uu fikiro caqliga qabyaaladda aaminsan iyo arimaha nafsadeed ee keena wadajirka/iskaashiga qabiilaysa ku dhisan. Waxa lagu gorfeeyay madasha buuga lagu falanqaynayay:

1. Sababaha keena fikirka qabiilka ku dhisan.
2. Nidaamka isku-dhafka ee siyaasadeed (dawladnimada casriga iyo nidaamka dhaqanka) ee Somaliland.
3. Saamaynta qabyaaladdu ku leedahay siyaasadda, horumarka dawladnimo, saamiqaybsiga xilalka dawladnimo ee Somaliland.
4. Saamaynta qabyaaladdu ku leedahay horumarka iyo saloonida dhaqaalaha.
5. Saamaynta qabyalaaddu ku leedahay wadajirka iyo isku-duubnida bulshada.

Ugu dambayn, waxa laga dooday sidii loo yarayn saamaynta taban ee qabyaaladdu ku leedahay nolosha dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waa buug xambaarsan aqoon iyo xoogo faa’iido badan leh ee ku haboon in la akhtisto.

08/09/2025

Maktabadda Qaranka JSL waxa ay Xuska Maalinta Akhris-qoraalka Aduunka oo ku beegan maanta 8 September 2025, awgeed la wadaagaysa bulshada in Maktabadu bilaabi doonto barnaamijka barista Akhris-qoraalka dadka aan waxna qorin waxna akhriyin.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Hargeysa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Road No. 1, Taardheer, Behind The Ministry Of Telecommunications
Hargeysa
00252

Opening Hours

Monday 08:00 - 20:00
Tuesday 08:00 - 20:00
Wednesday 08:00 - 20:00
Thursday 08:00 - 20:00
Saturday 08:00 - 20:00
Sunday 08:00 - 20:00