Halyeyada danab

Halyeyada danab

Share

allahu akbar

05/03/2024

Danab

Photos from Halyeyada danab's post 02/03/2024

Maanto khawaarijta jab xogan ayaa gadhay

10/04/2023

Dagaalkii u dhaxeeyey boqortooyadii Roomaanka iyo boqortooyadii Faarisiyiinta wuxuu socday 700 oo sano, 1000 mar ayey foodda is geliyeen oo dagaalameen, kadib waxaa yimi khaalid binu waliid (RC) oo labadii boqortooyaba ka takhalusay muddo 4 sano ah.

Faarisiyiinta wuxuu la galay 15 dagaal ilaa ay dowladdoodii gacantiisa ku burburtay, sidoo kale wuxuu 9 dagaal ku jebiyey boqortooyadii ruumaanka oo uu ku qasbay inay bariga dhexe isaga baxaan kadib markii ay kun sano maamulayeen.

Waxaa jira dagaal ay labadii boqortooyo ku midoobeen si ay u jebiyaan khaalid binu waliid, waana dagaalkii Al-Faraad oo dhacay 12 hijriyada. Furus iyo Ruum ayaa waxay soo dagaal geliyeen 200 oo kun oo dagaal yahan si ay khaalid binu waliid u jebiyaan, balse dagaal faraha looga gubtay kadib khaalid binu waliid iyo ciidankiisa ayaa ka adkaaday ciidamadii isbaheysiga gaalada ee tirada badnaa, tirada ciidanka khaalidna waxay ahaayeen 15 kun oo askari keliya!

Wuxuu ahaa geesi mar-la-arag ah oo istiraatiijiyadda dagaalka hibo u lahaa, Ilaahay ha ka raali noqdo khaalid binu Waliid iyo intii naftooda u hurtay si diinta Islaamku dunida ugu faafto.

W/T: Mustaf Awil Hassan

Want your business to be the top-listed Media Company in Kismaayo?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Kismaayo
JUBA