Sheeq shaam

Sheeq shaam

Share

Doctor of internal medicine {Surgeon's}

02/06/2020

........... ahna qeybtii ugu dambeysay

Waa maxay dhibaatooyinka ka imaan karo daawooyinka loo qaato xanuunka macaanka?

Dhibaatooyinka aan sheegi doono ula majeedo kuwo aanu kudhiiri galinaayo ka fogaanshaha isticmaalka daawoyinka xanuunka macaanka, marwalbane waanu kula talinaa bukaanka qaadashada daawoyinkas.

Sonkorta bukaanka oo hoos ugu dhacdo heerkii laga rabay ayey caan ku yihiin qaar kamid ah daawooyinka macaanka loo qaato, sida Cirbadda insulin-ta iyo kaniiniga metformin-ka ahi. ma aha in dhammaan daawooyinka loo qaato macaanka keenaan sonkorta oo dhacda.

Sonkorta bukaanka oo dhacda waxaa keeni karo:

 In bukaanki ka qaato daawadi kuuro kabadan intii dhaqtarka kula soo taliyay.
 In cuntadii waqtigeedi kadib dhacdo ama uusan qaadan gibi ahaan.
 In jimicsi, socod ama shaqo xad dhaaf ah sameeyo bukaanki.

Wa maxay calaamadaha lagu garto marka ay Sonkortu dhacdo?

Calaamadahaasi waxaa ugu caan san:
 Jareeys ama gariirid
 Dhidid badan
 Wal wal ama maahsanaan ku timaada Bukaanka
 Aragtida indhaha oo daciifta ama indhaha oo caad saarmo
 Bishimaha ama faruuryaha oo laday koro (qalfoof korto)
 Niyada qofka oo badalanta iyo
 Wareer

Si’ kor looga soo qaado sonkortaas dagtay waa in uu bukaanki cunaa wax macaan sida moos, cabitaan ama shaah sonkor leh.
F.G. Sonkorta ma dagto badanaa haddi uu qofkii xanuunka qabay lagu daaweynayay cunto isku dheeli tiran oo qudh ah.

Ma jiraa talaal lagula taliyo qofka macanka qabo?

Sida aan kusoo sheegnay qoraaladii h**e, qofka xanuunkaani qabo waxa uu unugul yahay qaadida xanuuno badan sida xanuunada jeermisku keeno. Waxaana usabab ah hoos u dhaca difaaca bukaankaani.

Talaalka aya lagu xoojiyaa difaaca qofka si uu ula dagaalamo xanuunada jeermiska keeno. Bukaanka macaanka qabo waxaa lagula taliyaa in uu qaato dhowr talaal oo lagu xoojinaayo difaaciisa. Talaaladaan badankooda waxa ay kala dagaalamaan bukaanka jeermisyada gala sambabaha kuwaas oo halis galiya noolasha qofka macaanka qabo.

………

Waa ku mahadsantahay lasocodka qoraalada bogeyga.
Maalmaha nasoo aadan waxan soo dhigi doonaa qoraalo cusub fadlan lasoco.

Waxaan texgelin gooni ah siin doonaa talooyinka aqristayaasha ayadoo aan ka aqbali doono codsiyadooda ku aadan mowduucyo khaas ah oo ay daneynayaan inan kahadlo in sha allah.

Mahadsanid walal. JAZAKALLAHU KHEYRAN.

Sheeq shaam

Photos from Sheeq shaam's post 27/05/2020

twins, was delivered in syria

Want your business to be the top-listed Health & Beauty Business in Mogadisho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Mogadisho