URDA

URDA

Share

URDA-waa urur cilmibaaris guud, hormarinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo isdhexgalka geeska afric

25/06/2026

Calan iyo xorriyad aan dhiman, aan weligeed noolaano. 🇸🇴

26 Juun 1960 — 26 Juun 2026

66 sano ayaa ka soo wareegtay maalintii gobolladii Waqooyi ay xornimada qaateen, calankii buluugga ahaa ee Soomaaliyeedna si sharaf leh loo taagay. Maalintani waa xusuus qaran, waa maalin lagu xasuusto halgankii, himiladii iyo rajadii ummadda Soomaaliyeed.

😭 Calanku waa astaan mideysa shacabka.
😭 Xorriyaddu waa dhaxalka ay inoo reebeen halyeeyadii naftooda u huray dalka.
😭 Waajibkeennu waa inaan ilaalinno midnimada, karaamada iyo mustaqbalka jiilasha dambe.

“Calan dhacay waa la taagaa, laakiin qaran dumay wuxuu u baahan yahay dad mideysan oo dib u dhisa.”

Hambalyo 26-ka Juun, Maalinta Xorriyadda Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariisto halyeeyadii gobannimada, hana barakeeyo Soomaaliya. 🇸🇴💙

25/06/2026

Xukunka lagu riday gabadhaan marka la eego waa layaab, waxaana dhihi karaa oo qura miskiin baa leh misko la fuulo

16/06/2026

Ha Dilina Libaaxyada Dalka, Dabadeed Ay Idin Cunaan Eeyaha Cadawgiinnu, Soomaaliyeey

Qoraa: Mahad Abdikarim

Siyaasaddu mararka qaar waxay dadka ku kalliftaa inay colaadiyaan qof kasta oo awood, saameyn ama door muuqda ku leh dalka. Waxaa dhacda in loollanka siyaasadeed uu ka gudbo tartan fikradeed oo isu beddelo dagaal lagu burburinayo shaqsiyaad, hay’ado iyo astaamo qaran. Halkaas ayaana khatartu ka bilaabataa.

Dal kasta wuxuu leeyahay “libaaxyadiisa” — kuwaas oo aan qasab ku ahayn inay yihiin siyaasiyiin keliya, balse noqon kara aqoonyahanno, saraakiil, ganacsato, odayaal dhaqameed, ciidamo ama hay’ado qaran oo ilaalinaya jiritaanka dowladnimada. Marka kuwaas si ula kac ah loo wiiqo, loo sumcad dilo ama loo kala diro, waxaa bannaanaada meel ay soo galaan dano aan dan u ahayn shacabka iyo qaranka.

Soomaaliya waxay soo martay waqtiyo badan oo lagu mashquulay burburinta qofka la neceb yahay, halkii laga dhisi lahaa nidaam ka wanaagsan. Natiijaduna marar badan waxay noqotay in wixii la dumiyey lagu beddeli waayo wax ka tayo fiican. Waxaa meesha ka baxa awooddii qaran, waxaana soo baxa kooxo iyo dano ka shaqaynaya tabarta ummadda.

Siyaasadda caafimaadka qabta waxay ku dhisan tahay isla xisaabtan, dhaliil iyo tartan. Laakiin waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya dhaliil wax dhisaysa iyo olole lagu burburinayo tiirarka qaranka. Haddii mucaaradku u arko dowladnimada cadow, ama dowladdu u aragto cid kasta oo ka aragti duwan cadow, waxaa meesha ka baxaya kalsoonidii iyo wada shaqayntii lagama maarmaanka u ahayd horumarka.

Dhibaatada Soomaaliya maanta ma aha oo keliya khilaafka siyaasadeed; waa dhaqanka siyaasadeed ee mararka qaar doorbida in la dumiyo halkii la sixi lahaa. Waxaa la iska horkeenaa hay’adihii qaranka, waxaa la kala fogeeyaa bulshada, waxaana yaraada dareenkii ahaa in la ilaaliyo waxa ummadda ka dhexeeya.

Cadawga dhabta ahi mar walba k**a yimaado bannaanka. Wuxuu mararka qaar ka dhashaa qaladaadka aynu gudaha ku samayno. Marka aynu isku mashquulno burburinta awoodihii iyo aqoontii dalkeenna, waxaa fursad helaya kuwa sugaya in Soomaaliya sii tabar darto.

Sidaas darteed, fariinta maanta taagan waa mid cad: ha la is dhaliilo, ha la is saxo, ha la tartamo, laakiin yaan la dumin tiirarka qaranka. Libaaxyada dalka haddii la laayo, kaynta ma sii ahaanayso meel ammaan ah. Waxaana markaas soo baxaya kuwa ka faa’iidaysanaya daciifnimada ummadda.

Qaran kastaa wuxuu ku noolaadaa awoodda uu u leeyahay inuu ilaashado dadka, hay’adaha iyo qiyamka uu ku taagan yahay. Soomaaliya-na waxay u baahan tahay siyaasad dhista, mideysa, isla markaana ilaalisa jiritaanka qaranka, halkii ay ka noqon lahayd mid ku dhisan burburin iyo kala fogeyn.

Taariikhdu waxay marar badan xaqiijisay hal xaqiiqo:
Ummaddu marka ay lumiso kuwa ilaalinayey jiritaankeeda, waxay muddo dheer ka shallaaysaa maalintii ay gacanteeda ku wiiqday awooddeedii.

— Mahad Abdikarim

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Mogadisho?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Maka Almukarama
Mogadisho
252