Said Sky Vision
iskuulka silver pen collage waa uu utaagan yahay in bulshada somaliyed ka haqabtiro baahiyada cafima
Warbixinada ugu Dambeeya Dagaalka Yahuuda iyo Mareykanka ee ka Dhanka ah Iiraan Xagee lakala marayaa? Saadaalinta Khubarada Arimaha amniga iyo 30 Maalin ee soo socita waxa la filan karo.
Kaga bogo Warbixibta hoose
22/12/2025
: 3 QEYBOOD OO AY U QAYBSANTO – FAHFAAHIN IYO TUSAALOYIN WAAQICI AH
Beentu waa arrin si qoto dheer u taabanaysa anshaxa, kalsoonida, iyo xiriirka bulshadeenna. Mararka qaar waa dhibaato, mararka qaarna xaalad gaar ah ayay xal u noqotaa. Beenta guud ahaan waxaa loo kala saaraa saddex qeybood:
1 AH (Beenta Lagama Maarmaanka Ah)
Tani waa beenta la oggol yahay marka ay jirto khatar cad oo ku wajahan nafta ama hantida qof.
🫴 Goorma ayay waajib noqotaa?
✓ Marka run sheegistu keeni karto dil, dhaawac, ama khasaaro weyn
✓ Marka aad qof ku badbaadinayso dulmi ama caddaalad darro
❇️ Tusaalooyin waaqici ah:
✓ Qof hubeysan oo ku weydiinaya: “Halkee buu hebel joogaa?” adigoo og inuu dili rabo, waxaad tiraahdaa “Ma arkin” si aad u badbaadiso nolosha qofkaas.
✓ Tuug ku weydiinaya halka lacag ama dahab yaallo si uu u qaato, adigoo beenta u adeegsanaya ilaalinta hantida.
✓ Carruur ku dhuumanaya rabshad ama dagaal, qofna ku daba jira, adigoo beenta u adeegsanaya badbaado.
✓ Qof dulmi lagu raadinayo si sharci darro ah, adigoo og in la dhibaateynayo haddii runta la sheego.
Beentani ma aha dembi, ee waa mas’uuliyad naf-badbaadin ah.
2 (Beenta La Oggol Yahay ee Wanaag Dhalisa)
Tani waa beenta aan waxyeello keenayn, badanaana loo adeegsado niyad dhis, jacayl, iyo qalbi qaboojin.
🫴 Goorma ayay mubaah noqotaa?
✓ Marka aysan jirin khiyaano ama khasaare ka dhalanaya
✓ Marka ujeeddadu tahay wanaag, rajo, iyo xasilooni nafsiyeed
❇️ Tusaalooyin waaqici ah:
✓ Xaaskaaga oo aad ku tiraahdo “Waan ku jeclahay, adiga la’aantaa ma noolaan karo” si xiriirka qoys u adkaado.
✓ Qof aad ogtahay inuusan weli awood buuxda lahayn, haddana aad ku dhiirrigeliso “Waad qaban kartaa, horumar ayaad gaari doontaa.”
✓ Qof bukaan ah oo aad ku tiraahdo “Xaaladdaadu way hagaagaysaa” si uu rajo iyo niyad u helo.
✓ Haweeney 60 jir ah oo aad ku tiraahdo “Waxaad u egtahay 20 jir” si aad qalbigeeda u farxad geliso.
✓ Qof xiran dhar uusan kugu fiicnayn, haddana aad tiraahdo “Styl-kaagu waa qurux badan yahay” si aadan u dhaawicin dareenkiisa.
Beentani waa mid bulsho ahaan la aqbali karo maadaama ay dhiseyso niyadda iyo xiriirka dadka.
3 AH (Beenta Mamnuuca ah)
Tani waa beenta ugu halista badan, waana tan burburisa kalsoonida, caddaaladda, iyo mustaqbalka bulshada.
🫴 Maxaa ka dhigaya xaaraan?
✓ Waxay ku dhisan tahay khiyaano iyo dan gaar ah
✓ Waxay keentaa waxyeello nafsi, dhaqaale, caafimaad ama bulsho
❇️ Tusaalooyin waaqici ah:
✓ Qof aad ballan la leedahay, adigoo og inaadan iman doonin, kuna luggooya maalintaas.
✓ Qof aad ku tiraahdo “Wax baan ku siinayaa” adigoo og inay been tahay, taasoo ah khiyaano cad.
✓ Dhakhtar ku shaqeynaya shahaado been ah, kana dhalan karta dhaawac ama dhimasho.
✓ Macallin baraya xirfad uusan aqoon, marin habaabinayana arday badan.
✓ Ganacsade ku been sheegaya badeecadda, kana dhigaya mid tayo leh iyadoo ay liidato.
✓ Siyaasi ballanqaad sameynaya isagoo og inuusan fulin doonin.
Beentani inta badan waxay keentaa:
✓ Kalsooni darro
✓ Hagardaamo iyo khiyaano
✓ Burbur dhaqaale
✓ Dhaawac nafsi iyo mid bulsho
Beentu isku mid ma aha mar walba.
✓ Mararka qaar waa badbaado
✓ Mararka qaar waa niyad dhis
✓ Mararka kalena waa burbur iyo khiyaano
Qofka miyirka leh waa kan kala garta:
✓ Goorta runta la sheego
✓ Goorta aamusta
✓ Iyo goorta beentu noqoto mas’uuliyad ama dembi
Kalsoonidu waa tiirka bulshada, marka ay jabtana wax walba way burburaan.
Adigu Mexey kula tahay?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadisho