Hecter Agri Tech

Hecter Agri Tech

Share

Hecter Agri Tech Waa Shirkad Ka shaqeeysa horumarinta Dalagyada , Dhismaha greenhouses iyo waraabka .

Photos from Hecter Agri Tech's post 24/05/2026

Maamulaha Guud (CEO) ee Shirkadda Hecter Agri Tech, Hassan Hussein Mohamed, ayaa ka qeybgalay Somalia National Food Systems Pathways Review Dialogue, oo ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’adaha dowladda, ganacsatada, iskaashatooyinka, iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo nidaamyada cuntada ee Soomaaliya, sida FAO, WFP, iyo UNICEF.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, hal-abuurka, iyo dejinta istiraatiijiyado waara oo lagu horumarinayo sugnaanta cuntada, waxsoosaarka beeraha, iyo tayeynta nidaamka cuntada si loo taageero bulshada Soomaaliyeed.

10/05/2026

Bay Iyo Bakool Baydhaba Ma Aragteen 🖐️📍🌱🚜

Waxaan ku faraxsanahay inaan ka hirgelinno mashaariicdan casriga ah ee Greenhouses magaalada Baydhabo, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 🇸🇴, annagoo u dhisnay macaamiisheena qiimaha badan Amina Mohamed.

Beerahaan waxay astaan u yihiin hal-abuur, horumar waara, iyo mustaqbalka beeraha Soomaaliya. Waxaa loo dhisay si ay u taageeraan suuqa magaalada baydhabo iyo waxsoosaarka sanadka oo dhan.

Wac & Booqo:
Nagala soo xiriir si aad u bilowdo beerashada casriga ah.

📍Muqdisho | Whatsapp +252615324817 ama 252 613276528 |
🌐hecteragritech.com

20/03/2026

Ciid Mubaarak , dhamaan Macaamiisheena Qaaliga ah 🌶️🥒🍅🇸🇴

Waxaan ku jirnaa howlgal aan ku soo saarayno khudaar tayo leh, isla markaana inagga oo hubinayno in dalka uusan ka dhicin cunto xumo xilliyada kala duwan.

Sababtoo ah qoys kasta wuxuu mudan yahay cunto cusub oo caafimaad leh sanadka oo dhan.

Want your business to be the top-listed Business in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Taleh
Mogadishu