Degmada Hodan

Degmada Hodan

Share

Halkani waa Bogga Rasmiga ah ee maamulka Degmada Hodan. The offical page for Hodan district adminstration.

23/05/2026

Mugadishu Night.

Imaam shaafici Street , Waaxda Actober, Degmada Hodan

28/04/2026

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Hodan Mudane Ali Fahle Ayaa si sharaf iyo farxad leh u guddoomay caawa abaalmarinta Somali Night Awards ee uu ku guuleystay guddoomiyihii ugu wanaagsanaa, taasoo loogu aqoonsaday dadaalka iyo hormarka ay gaartay degmada Hodan.

Gudoomiyaha Degmada Ayaa yiri “Guushan ma aha mid aniga keliya ii gaar ah balse waa mid ka dhalatay wadajir, qorsheyn, iyo shaqo joogto ah oo ay si hagar la’aan ah u wadeen maamulka Degmada iyo bulshada degmada Hodan taas oo keentay in loo aqoonsado degmada ugu fiicneyd Gobolka Banaadir waa guul weyn oo muujinaysa sida ay dadkeennu uga go’an tahay horumar, nadaafad, iyo bilic”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata Ayaa mar kale yiri “Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan Degmada Hodan oo door muuqda ka qaatay guushan. Iskaashigiinna, dadaalkiinna, iyo sida aad uga go’an tihiin ilaalinta nadaafadda iyo quruxda degmada ayaa sabab u noqday heerkan aan maanta gaarnay. Abaalmarintan waxaan idiin la wadaagayaa idinka, waana dhiirigelin aan ku sii xoojin doono horumarka iyo adeegyada aan idin gaarsiinno mustaqbalka. Mahadsanidiin dhammaantiin”.

Want your business to be the top-listed Business in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Mogadishu