Runsheg Medea

Runsheg Medea

Share

this page about sports and foundation and pulotical issue and political

19/10/2025

Trump ayaa Fox News u sheegay ; “Shiinaha wuxuu na khiyaamay laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay. Richard Nixon ayaa oggolaaday in arrintan dhacdo, isagaa u albaab uu tartan nagula galo u furay Shiinaha.”

Sannadkii 1972, madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Beijing, taasoo ahayd markii ugu horraysay ee hoggaamiye Mareykan ah uu si rasmi ah u booqdo Shiinaha. Safarkaasi wuxuu jebiyay go’doonkii diblomaasiyadeed ee Shiinaha, wuxuuna horseeday in la furo xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed oo cusub.Shiinaha ayaa si tartiib ah ugu biiray nidaamka ganacsiga caalamka, ugu dambeynna wuxuu helay xubinimada WTO (World Trade Organization) sannadkii 2001.

Trump wuxuu rumeysan yahay in xiriirkaas uu sababay in Mareykanka uu waayo awooddiisii warshadaha, halka Shiinaha uu ka faa’iiday si uu u noqdo quwad dhaqaale. Sida uu sheegay, shirkadaha Mareykanka ayaa u guuray Shiinaha si ay u helaan shaqaale jaban, taasoo keentay in shaqooyin badan laga waayo gudaha Mareykanka, halka Shiinaha uu kobcay dhaqaale ahaan.

29/09/2025

DowladaTurkiga ayaa labo markab oo dagaal u diray biyaha caalamiga ah ee Mediterranean-ka , halkaa oo ay ku socdaalayaan in ka badan 50 doomood oo ku socda marinka Qasa , si ay u jebiyaan go’doominta ay Israa’iil ku heyso. Muwaadiniinta ugu badan ee doomahan la socda ayaa ah Turkiga ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Turkiga , iyagoo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kala kulmay Israa!l, illaa hadda howlaha maraakiibta ayaa caawimaad iyo gargaar ku kooban, balse Turkiga ma dammaanad qaadin inuu difaaci doono haddii ay Israa|l soo weerarto, mana gaari doonaan maraakiibtan biyaha Qasa oo ay doomaha ku socdaan, xilligaa oo ah marka ay u baahanyihiin cid ka difaacda Israa|l, sida ay werisay TRT.

29/09/2025

Madaxweyne Xasan” bilaha soo socda waxaa la bilaabayaa qodista Ceelkii ugu horreeyey ee shidaalka”.

25/09/2025

Israel ayaa hada duqesay yaman iyado shegatay iney begsatay sarakiil Katirsan xutiyiinta yaman

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Yaqshiid
Mogadishu
NONE