Dr.Ahmed Rashad
Dermatology is concerned with all the disorders of the outer skin and inner mucous membranes. Venereo
07/03/2026
Angular Cheilitis vs Cold Sores (Herpes Labialis)
1️⃣ Angular cheilitis
(Barar iyo dillaac ka dhaca geesaha afka)
🔬 Sababta (Etiology)
Caabuqa fangaska (Candida spp.) ama bakteeriyada (Staphylococcus aureus)
Qoyaanka joogtada ah (candhuuf ku ururta geesaha afka)
Mararka qaar la xiriira yaraanta birta ama fitamiin B
👁 Muuqaalkiisa (Clinical Appearance)
Casaan iyo barar ka muuqda geesaha afka
Dillaacyo (fissures) iyo finan qallalan
Mararka qaar qolof ama dheecaan khafiif ah leh
🔥 Calaamadaha (Symptoms)
Xanuun
Gubasho
Cuncun
🦠 Ma faafaa? (Contagious?)
Maya (ma aha cudur si toos ah lokala qaado)
💊 Daaweynta (Treatment)
Kareem antifungal (tusaale: clotrimazole)
Haddii bakteeriyo jirto → antibiyootik topical
Kareem difaac maqaarka (barrier cream sida zinc oxide ama petroleum jelly)
Daaweynta nafaqo-yarida hadii ay jirto
2️⃣ Herpes labialis
(Finan herpes ah oo ku dhaca bushimaha – Cold Sores)
🔬 Sababta (Etiology)
Fayraska Herpes simplex virus 1
👁 Muuqaalkiisa (Clinical Appearance)
Kooxo finan yaryar oo biyo leh (fluid-filled vesicles)
Badanaa ka soo baxa bushimaha ama hareerahooda
Markay dillaacaan waxay noqdaan qolof
🔥 Calaamadaha (Symptoms)
Dareen qaniinyo ama gariir (tingling) kahor inta aysan finan soo bixin
Xanuun
Gubasho
🦠 Ma faafaa? (Contagious?)
Haa (waa cudur la kala qaadi karo, gaar ahaan marka finan firfircoon jiraan)
💊 Daaweynta (Treatment)
Daawooyin antiviral ah sida:
Acyclovir
Valacyclovir
Bilaabidda daawada marxaladda h**e (prodromal stage) waxay yaraysaa muddada iyo darnaanta cudurka
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the practice
Telephone
Website
Address
Hodan, KM5, Benaadir, Wadada Ka Soo Horjeeda Cispitalka Benaadir
Mogadishu
252
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 17:00 |
| Tuesday | 08:00 - 17:00 |
| Wednesday | 08:00 - 17:00 |
| Thursday | 08:00 - 17:00 |
| Saturday | 08:00 - 17:00 |
| Sunday | 08:00 - 17:00 |