Somali Observer

Somali Observer

Share

Bringing you reliable, uncensored news, thoughtful insights, and updates across science, entertainment, politics, sports, and beyond.

16/05/2026

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay inuu mar kale diyaar u yahay inuu si cad u muujiyo taageerada uu u hayo Lamine Yamal, kadib markii maamulka Benjamin Netanyahu ay ku dhaliileen lulista calanka Falastiin. Wuxuu adkeeyay in Spain ay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo ciyaaryahanka da’da yar.

Sánchez ayaa sidoo kale cambaareeyay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, isagoo sheegay in aan la aqbali karin weerarrada iyo cadaadiska lagu hayo dadka rayidka ah.

Hadalkan ayaa imanaya xilli taageerada Falastiin ay sii kordhayso gudaha Yurub.

12/05/2026

“DEG-DEG: BAADARIGA LEO OO SAFIIRKA IIRAAN EE VATIKAANKA KU MAAMUUSAY HAB MAAMUUS DIBLOOMAASI EE UGU SARREYSA

Baadariga Leo XIV ayaa safiirka Iiraan ee Vatican-ka, Ayatollah Hossein Mokhtari, guddoonsiiyay hab maamuus diblomaasiyadeed ee ugu sarreysa Vatican-ka, taas oo ah ‘Order of Pius’.

Billaddan waxaa lagu maamuusay kaalinta weyn ee Iiraan ka qaadatay nabadda iyo iskaashiga diimaha ee u dhexeeya Masiixiyiinta iyo Muslimiinta.”

12/05/2026

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadal muran dhaliyey ku sheegay, “Annaga reer Galmudug ayaan nahay, sida loo niikiyo ma naqaan, balse reer Koonfur Galbeed niikada way yaqaaniin.”

Hadalkaas ayaa dad badan u arkay mid gef iyo meel ka dhac ku ah shacabka iyo deegaanka Koonfur Galbeed, waxaana si weyn uga falceliyey dad badan oo muujiyey caro iyo dhaliil ku saabsan weedhahaasi.

12/05/2026

Dalka Morocco waxaa maanta dib ugu laabtay lix nin oo DAACISH ka tirsana una dhashay dalkaas, kuwaas oo h**e loogu qabtay buuraha Calmiskaad kadib markii maamulka Puntland uu ka qaatay lacag madax-furasho ah si loo sii daayo.

Raggan ayaa markii h**e Maxkamadda Gobolka Bari ku xukuntay dil toogasho ah, balse markii dambe Maxkamadda Racfaanka ayaa beddeshay xukunkaas, iyadoo Puntland sheegtay in ay ahaayeen rag si khalad ah loo soo qabtay isla markaana isdhiibay.

Kadib ku dhowaad laba sano oo ay ku xirnaayeen gudaha Puntland, maanta waxaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyey dalkooda Morocco.

Waxan ku mashquulsan nahay inaan la xariirno ehelada dadkii la sii daayey si aan u ogaano qiimaha ay bixiyeeen calaa qoys si loo daayo maxaabistaas mar dhawna waan soo gudbin doonaa.

12/05/2026

Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa magaalada London kaga qeyb galay Shirweynaha Tamarta Afrika 2026.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta shirkadda Liberty Petroleum, iyadoo laga wada hadlay fursadaha sahminta iyo horumarinta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan xogta casriga ah ee 3D Seismic ee lagu baarayo khayraadka shidaalka dalka.

Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address


Km 4, Hodan District Makka Mukarama Road
Hargeisa