SNU Health Science Students Association
πππππππ waxaa ku midaysan dhamaan ardayda dhigata kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee πππ
04/06/2026
Hambalyo Anas Xasan Cabdiraxmaan oo loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Midowga Ardayda Kulliyadda luuqadaha.
Waxaan kuu rajeynayaa hoggaan wanaagsan, guul iyo horumar. Alle ha kuu fududeeyo masuuliyadda laguu igmaday.
Hambalyo mar kaleπ
31/05/2026
Dean-ka Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, Dr. Cabdifataax jalley, ayaa kulan la yeeshay ardayda senior-ka ah ee kulliyadda. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo loogu kuurgalayay baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan ardayda heerka ugu dambeeya maraya.
Dean-ka ayaa si dhow u dhageystay talooyinka, cabashooyinka, iyo baahiyaha ay soo bandhigeen ardayda, isagoo muujiyay dadaal iyo ka go'naansho lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo adeegyada ay kulliyaddu bixiso. Sidoo kale, wuxuu ardayda ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho, isla markaana ay la yimaadaan fikrado wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara horumarka kulliyadda.
SNU Health Science Students Association
18/05/2026
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 17/5/2026, Hoggaanka Ardayda Kulliyadda Health Science oo ay hormuud u ahaayeen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa kulan muhiim ah la qaatay Deanka cusub ee kulliyadda Dr Abdifitaah Abdullahi Jaleey. Kulankaan oo ahaa mid h**e loo sii qorsheeyay ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho, is xog-wareysi iyo in Hoggaanka Ardaydu ay maamulka cusub usoo gudbiyaan baahiyaha guud ee ardayda kulliyadda. Intii uu kulanku socday, Hoggaanka Ardayda ayaa si faahfaahsan usoo bandhigay baahiyaha kala duwan ee ka jira departments-ka kulliyadda, sidoo kale waxay soo bandhigeen waxqabadkii iyo dadaalladii ay sameeyeen muddadii ay xilka hayeen.
Deanka cusub ee kulliyadda ayaa si diirran ugu hambalyeeyay Hoggaanka Ardayda shaqada wanaagsan ee ay qabteen, isaga oo ku ammaanay dadaalka ay u galeen horumarinta iyo u adeegidda ardayda. Sidoo kale, wuxuu sheegay in baahiyaha lasoo gudbiyay ay yihiin kuwo muhiim ah islamarkaana uu ka shaqeyn doono xal u heliddooda, maadaama ay kamid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ay wajahaan ardayda kulliyadda. Dhanka kale, Deanka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay class representatives-ka fasallada kala duwan si uu si toos ah uga dhageysto baahiyaha gaarka ah ee fasal walba jira.
Ugu dambeyn, kulamadan ayaa ahaa kuwo muhiim u ah fahamka xaaladda dhabta ah ee kulliyadda iyo baahiyaha ardayda. Haddaan nahay Hoggaanka Ardayda Kulliyadda Health Science, waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Deanka cusub sida wanaagsan ee uu u qaabilay qaybaha kala duwan ee ardayda, isaga oo muujiyay dhageysi, dhoweyn iyo diyaar u ahaansho xalinta cabashooyinka iyo baahiyaha ardayda.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Midowga kulliyada HSSA ee JUS
E-mail:
[email protected]
Madaxa warbaahinta Nasra Abdifitah Elmi
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Vina Uta Street, 252 Mogadishu
Mogadishu