Dalmar Notes
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dalmar Notes, Medical and health, Mogadishu.
06/02/2024
#بسم الله:
#سلام عليكم:
aad caafimaad qabtiin baan rajeynayaa dhammaan walaalaha nagu xiran.
dhawaada madasheena Dalmar Notes, oo aan kusoo gudbin doono qoraalo iyo muuqaalo caafimaadka laxariira.
waxa uu daaran yahay cudurka dhiig-karka, luuqada qalaadne lagu yiraahdo(Hypertension).
Kahor inta aanan hadal waxa uu yahay cudurka dhiig-karka, aan isla barano waxa uu yahay Caadiska dhiiga(blood pressure).
:Cadaadiska dhiiga waxa lagu qeexaa, Cadaadiska uu dhiiga ku hayo derbiga xididada dhiiga(wall of blood vessels),qaasatan xididada halbowlaha(Arteries).
Haddaba haddaan isla fahamnay waxa uu yahay Cadaadiska dhiiga, aan eegno inta loo qeybiyo Cadaadiska dhiiga.
Cadaadiska dhiiga waxa loo qeybiyaa labo qeybood, oo kala:
#1:Systolic blood pressure:kasoo soomaalidu utaqaan Cadaadiska dhiiga kore
#2: Diastolic blood pressure:Kasoo soomaalidu utaqaan Cadaadiska dhiiga hoose.
aan kala qeexno, ama kala saarno, waxa ay kala yihiin labada cadaadis.
#1: Systolic blood pressure: Cadaadiskaan waxa uu kadhashaa,awooda uu wadnaha kusoo saaray dhiiga marka uu isku soo aruuro(heart contraction).
Waxaana sida caadiga ah laga rabaa, in uu ka kayaraado 120mmhg.
#2: Diastolic blood pressure:Waa Cadaadiska uu dhiiga kusameeyo derbiga xididada dhiiga(arteries),inta uu wadnaha kala baxsan yahay(heart relaxation).
qeybta labaad,lanawadaag asxaabtaada.
.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the practice
Telephone
Website
Address
Mogadishu