Hage Human Development Centre
Our purpose is to develop quality and quantity of our writer's ability Loyalty and transparency
15/12/2024
Qoraal-Qoris (note-Taking)!
Faa'iddooyinka qoraal-qorista (Note-taking) ka.
1. Dib-u-milicsi fudud:
Waxay kuu sahlaysaa inaad dib ugu noqoto oo aad xasuusato macluumaadka muhiimka ah si fudud marka aad u baahato. Waxa fiican toddobaadkii inaad yeelato hal maalin oo aad dib ugu noqoto wixii qoraal-qoris aad sameysay toddobaadkaa, bishaa iyo sannadkaa.
2. Xasuusta oo korta:
Marar badan si aad maskaxdaada nasasho u geliso waxaad u baahantahay inaad faaruqiso xogta ku jirta ee ka fikirsiinaysa adiga oo qoraal ka dhigaya. Xasuustaada ayey dhisaysaa oo ay si weyn u caawinaysaa. Si fudud kuma ilaawi doontid xogtii aad akhriday ama daawatay haddii aad qoraal kooban kala hadhay.
3. Nidaamsanaan:
Yeelashada iyo laqabsiga qoraal-qorista kooban ee dhacdooyinka hareerahaaga ka dhacaya, akhriskaaga iyo daawashada barnaamijyada qiimaha lihi waxay nidaaminayaan xogtaada. Kaydkaasi wuxuu ka dhigayaa noloshaada mid xiise leh. Tusaale, Kaydka buugaagta, Kaydka xikmadaha, Kaydka waxbarashada iyo kaydka diinta.
4. Dareen-dhis
Marka aad qoraal sameynayso dareemadaadu way soo wada jeedsadaan iyaga oo iscaawinaya. Diirad saaristaasi waxay ka ilaalinaysaa kala nidaamsanaan la'aanta dareemadaada habka ka faa'ideysiga xogta. Waxay keensanaysaa inaad ku wanaagsanaan karto akhriska,dhagaysiga iyo daawashada barnaamijyada waxtarka leh si isku mid ah. Waxaad awood u yeelanaysaa inaad saacad wax akhrin karto, saacad wax dhagaysan karto, iyo saacad inaad wax daawan karto iyadoo naftaadu degaan badan ku dareemaysa.
5. Fikirka iyo falanqeynta:
Markasta oo aad qoraal samaynayso, waxaad si qoto dheer u falanqeyn kartaa oo u fahmi kartaa macluumaadkaa, taas oo kaa caawin karta inaad fikraddahaaga ka shaqeysiiso oo aad la timaado aragtiy cusub.
6. Waxbarashada iyo shaqada:
Waxay kaa caawineysaa inaad si fiican ugu diyaar garowdo imtixaannada ama shaqooyinkaaga adiga oo xasuusan kara macluumaadka muhiimka ah. Waxa kale oo ay kaa caawin kartaa inaad diyaariso warbixinno iyo soo jeedimo tayo leh.
7. Is-horumarinta:
Qoraal kaydintu waxay kaa caawin kartaa inaad la socoto fikirkaaga iyo yoolalkaaga shaqsiyadeed, taas oo fududeyneysa inaad gaadho himilooyinkaaga nololeed.
8. Xirfaddaha isgaadhsiinta:
Waxay kordhin kartaa awooddaada inaad si cad oo wax ku ool ah u gudbiso fikraddahaaga, maadaama ay kaa caawineyso inaad nidaamiso oo aad habeyso macluumaadka oo qoraalku qayb muhiima ka yahay xirfadda wada-xidhiidhka (Communication skills).
9. Go'aan-qaadashada:
Waxay kuu sahlaysaa inaad dib u eegto oo aad falanqeyso xogta, taas oo kaa caawineysa inaad sameyso go'aanno xog-ogaal ah oo wanaagsan.
10. Nasasho iyo Dhiirigelin:
Badbaado ayuu kuu noqonayaa marar badan oo aad cadhaysantahay, niyad jabsan tahay, murugaysantahay iyo xaaladdaha aad faraxsantahay ee aad firaaqa hayso aad si fudud ugu noqon karto. Dhiirigelin iyo niyad-dhis ayaad ka heli kartaa ereyada xikmadda iyo faa’idadu dhex ceegaagto ee dhex fadhiya kaydadkaaga qoraaleed.
Xeeladaha aad ku dhisi karto caadada qoraal-qorista.:
1. Buug iyo qalin sido. Note ka moobilkaaga ku qoro xogaha muhiimka ah, sawiro oo screenshot ka qaado xog kasta oo waxtar leh si ay kuugu kaydsanto.
2. Google Drive adeegso, waliba Google Doc ku kaydso xogahaa. Si fududbaad laptop iyo telephone kaba aad uga dhex adeegsan kartaa adiga oo meelkasta jooga.
3. Qorshe dib-u-milicsi yeelo: Maalintii wakhti kooban, todobaadkii, bishii amma lixdii bilood mar dib ugu noqo xogta kuu kaydsan oo dhan.
Fursaddu waa maanta ee maanta isdaba-qabatee idamka Alle adiga oo Ilaahay SWT talo-saaranaya.
Qormadda 2
[Report writing skills]
Xirfadda qorista warbixinta waxay fursado shaqo iyo horumar ku leedahay meelo badan oo kala duwan, oo ay kamid yihiin:
1. Hay’adaha NGO-yada iyo samafalka:
Waxa loo baahan yahay in dadku qoraan warbixinada ku saabsan mashaariicda, horumarka, iyo xogaha la xadhiidha gargaarka degdegga ah.
2. Xafiisyada dawladda:
Warbixinnada muhiimka ah ee la xidhiidha adeegyada bulshada, siyaasaddaha iyo horumarka.
3. Shirkaddaha ganacsiga:
Shirkaddaha waxay u baahan yihiin warbixinno ku saabsan qiimeynta suuqyada, ganacsiga gudaha iyo dibadda, iyo cilmi-baadhisyo dhaqaale.
4. Waxbarashada iyo cilmi-baadhista:
Xirfadda qoris warbixinnadu waa mid muhiim ah oo aad loogu baahan yahay gudaha jaamacadaha, mac-hadyada, iyo xarumaha cilmi-baadhista.
5. La-taliye shaqo:
Warbixin qoristu waxay ku caawin kartaa inaad noqoto la-taliye xirfadle ah, sababtoo ah warbixinnadu waa habka lagu soo gudbiyo talooyinka iyo daraasaddaha la sameeyay.
Continue........
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Prima Palace In Front Of Banadir University
Mogadishu
HODANDISTRICT