Gunta Hoose Media
Shabakada wararka Gunta Hoose kala soco war-bixinno la hubo oo la isku haleyn karo.
31/12/2024
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Dharjaale ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari; halkaasi oo kooxda IS ay weerar qarax ku bilowday ku qaaday fadhiisin ciidamada Puntland, saakadii h**e.
Dowladda Puntland oo war ka soo saartay ayaa sheegtey in la soo weeraray isla markaasna ay toogatay 8 weeraryahan oo ay ku jiraan ajaaniib aysan carrabaabin dalalkooda.
Puntland ma aysan xusin wax khasaare ah oo ciidankeeda gaadhay.
Garoowe: Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo sheegaya in ay mushahar la'aan ka cabanayaan ayaa saaka xidhay gebi ahaan waddooyinka gala Madaxtooyada iyo Wasaaradaha Puntland oo dhaca dhinaca woqooyi-galbeed ee magaalada, iyaga oo diidaya in la galo ama laga baxo.
DEG DEG: Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa u codeeyey in sannad sii joogaan ayna iyagu doortaan Madaxweyne iyo ku-xigeenkiis, taasi oo ay soo jidiyeen isimmada SSC-Khaatumo, xilli madaxweyne Deni ku dhawaaqay in la aado doorasho guud.
Madaxweynaha Puntand, Siciid Deni ayaa ku dhawaaqay in Puntland ku laabatay doorashii xulista xildhibaannada.
06/12/2023
Go'aannada Isimmada SSC-Khaatumo:
In doorashada lagu qabto xilligeedii 8-da Jenuary ayna Baarlamanka hadda jira doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeen doortaan, ka dibna 12 bilood ka dib xildhibaannada lagu soo doorto qof iyo cod.
05/12/2023
PUNTLAND: Kulamo kala duwan oo ku aaddan ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ayaa u socda isimmada, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo bulshada rayidka oo dhinac kasta ku jiro xaaladda; iyada oo lagu wado in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo soosaara waxa bulshada guud xalka u aragto.
Dhinaca kale Kulan saacado qaatay oo ay maanta yeesheen madaxweyne Deni, kuxigeenkiisa karaash iyo isimmada SSC-khaatumo ayaa ku soo idlaaday iyada oo aan laysla "waafiqin" soojeedintii isimmada oo ahayd in ay iyagu xaaladda siyaasadeed ka go'aan gaadhaan, sida xogaha laga heley tilmaameen.
Dhinacyada kala duwan ee xalka ku jira waxa ay markaa waraysato kuu sheegayaan in ay horyaallaan dhowr kala doorasho oo kala duwan oo lagu geli karo doorashada;
1. In la raaco guddoonkii isimmadii Garoowe ku shirey oo la aado "Xulista xildhibaannada, doorashaduna dhacdo xilligeedii."
2. In Golaha Wakiillada ee waqtigoodu dhammaanayo ay doortaan Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa, ka dibna sannad ka dib golaha lagu doorto qof iyo cod - tan waxa qaba xildhibaannada SSC.
3. In la aado doorasho dadban oo dad la xulay oo badan doortaan madaxda xigta kuwan - taasi oo lamid ah xulashadii xildhibaannada DFS.
4. In waqti loogu daro dowladda laguna laabto doorashadii h**e.
Aragtiyahan ka sokow dowladdu waxa ay waddaa hannaanka qof iyo cod, waxaana la filayaa in dhawaan ay bilowdo diwaangelinta dadweynaha, inkastoo Golaha Baarlamanka uu ku dheggen yahay meelmarinta xeerka doorashada qof iyo cod, iyada oo la filan karo in ay jid u furaan ismarin-waaga.
Adiga maxaa u aragtaa xalka?
Isimmada SSC-Khaatumo ayaa hadda Madaxtooyada Garoowe shir albaabadu u xidhan yihiin kula leh Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Karaash, iyaga oo kala hadlaya ismarin-waaga doorashada madaxtinimo, waxaana la filayaa in kulankooda ka dib ay guda-galaanin ay soo saaraan guddoon [go'aanno] ku aadan khilaafka doorashada ee xukuumadda Deni oo ku dheggan qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee ku adag xulashadii h**e iyo siddeedda Jenuary.
Isimmada ayaa h**e ula kulmay siyaasiyiinta mucaaridka oo iyagu sheegey in ay u hoggaansameen, xukuumaddana waxa la dhowrayaa kulankan maanta ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
KM4
Mogadishu