Somali Volunteering Work Forum
The SVWF is a dynamic platform that harnesses the power of volunteerism in Somalia.
13/11/2025
Agaasimaha Somali Volunteering Work Forum ayaa, kadib markii uu tixgeliyey aqoonta iyo khibradda uu Maxamed Cumar Maxamuud u leeyahay maaraynta musiibooyinka iyo kartidiisa hoggaamineed, u magacaabay Madaxa Kahortagga Musiibooyinka iyo Maamulka Xaaladaha Degdegga ah.
Agaasimaha ayaa masuulka cusub u rajeeyay in Alle ka fududeeyo masuuliyadda culus ee lagu aaminay, isaga oo ku booriyey inuu si hufan u hoggaamiyo hawlaha muhiimka ah ee ururka, isla markaana ka shaqeeyo ka hortagga musiibooyinka iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah si wax ku ool ah.
Ururka Somali Volunteering Work Forum wuxuu ku faanayaa inuu yeesho hoggaamiye leh karti, hufnaan, iyo dadaal joogto ah oo ku aaddan adeegga Bulshada.
22/08/2025
Agaasimaha Somali Volunteering Work Forum ayaa Laysin Caalami ah guddoonsiiyay Dhalinyaro dhamaysatay Kooras ku saabsan ( Kahor tagga Musiibooyinka Iyo Maaraynta Xasaradaha) oo aay iska kaashadeen Hay’addeenna iyo Midawga Mutadawiciinta Carabta ayna bixisay Jaamacadda Culuumta Iyo Tijnoolajiyadda ee kutaalla Dalka Masar.
Waxaa sharaf wayn noo ah inaan qayb ka nahay horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo fursad usiintooda inay bartaan Koorasyo aay dhif iyo Naadir tahay in Somalia laga helo.
Laysinkaan Caalamiga oo ah kii nuuciisa ugu horreeyay oo aay Dhalintaani nasiibka u yeesheen waxaa laga rajeynayaa inay Waddankeenna ku anfacaan, waxna oga qabtaan baahiyaha tiro beelka ah ee Dalkeenna kajira, siina gudbiyaan aqoonta aaybartenderen.
Wabillaahi towfiiq.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Hodan District
Mogadishu
BN