Cafimaad cable Tv
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cafimaad cable Tv, TV Channel, wabari district, Mogadishu.
05/05/2023
HAMBALYO.HAMBALYO
5 MAY 2023
WAA MAALINTA UMULISADA ADUUNKA. waxaan dhamaan bahda Cafimaad cable Tv u hambalyeeyneeynaa umulisooyinka aduunka oo dhan, kuwaasoo lagama maarmaan u ah daryeelka hooyada marka eey umuleeyso, Nuunaha yarka ah iyo Ehelkoodaba.
International day of midwifery
30/04/2023
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.
Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.
21/04/2023
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Cabdiweli Cabdullahi Jaamac,ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga darteed Hambalyo udiray Bahda Caafimaadka Iyo Guud ahaan umadda Soomaaliyeed
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Wabari District
Mogadishu
252