ALI KHAIRE

ALI KHAIRE

Share

Social worker

02/07/2023

Kaa tagay kuma goyn💔

Ereyada iyo Laxanka: Cawaale Deeqsi
Codka iyo Music: Faysal Muniir

Kaa tagaye kuma goyn
Ku tabaye kumaan nicin
Dan baa tidhi is daayee
Qalbigaygu kuma tirin

Waa tanoo xusuusaha
Igu badan ku tebiyaa
Wali waxad ku taalaa
Hankii taashka kuu xidhay
Rejo tiigsigaygana
Tiriiggaagu k**a damin
Taalladaadu ruuxday
Ka dhex taagan tahay wali

Ha ahaato tabashoo
Waxaan kaa tirsanayaa
Tuhun haw badnaadee
Inaan eedo kugu taxo
Xisku wuu ka tudhayaa
Naftu waxay tilmaansiga
I tustaa wanaaggiyo
Wakhtigii horee tagay
Toolmoonidaadii.

Toban jeer qof laabtiyo
Lagu tolay wadnaha bidix
Durba lama takooree
Hadduu tacaddi waayuhu
Kala tiro laf iyo jiidh
Isku tiirsanaan jiray
Sida cadow is talax taga
Is toydaa ka fiicane
Beri baad ka tahay wali
Xaggaygoo turxaan li’i
Ku tix galiyay ceeb li’i.

Want your business to be the top-listed Media Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu