Markabley Tv
halkan kala soco muuqaalada iyo wararkii ugu danbeeyay ee Radio Markabley
15/04/2024
Inaa Lilaahi Wainaa ileehi Ràjicuun Kulu nafsin Daaiqatul mood Allaah Ha unaxariisto iskuduwahii Caafimaadka Degmada B/dheere,Maxamuud Cabdi Xareed oo ku geeriyooday Shil gaari wadada u dhaxeysa Balcad ilaa Muqdisho.
Dhamaan Qoyska iyo Ehaladii uu ka baxay Maxamuud cabdi Xareed Samir iyo iimaan Allaah Haka siiyo Aamiin Aamiin.
12-ka April Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , iyo Hadal Jeedinta Gudoomiyaha Degmada Baardheere.
12/04/2024
*Magaalada Baardheere oo Maanta laga Xusey 12ka Abril oo ah Maalinta Ciidanka XDS.*
Munaasabad balaaran oo si heer sare loo soo soo agaasimey,islamarkaana ku aadaneyd Xuska 12 Abriil oo ah Maalinta loo asteeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu qabtey degmada Baardheere.
Munaasabadan oo Sanadkastaaba maanta oo kale lagu xuso guud Dalka Soomaaliya ayaa mida maanta ka dhacdey degmada Baardheere waxaa ka soo qeyb galey mas,uuliyiin ka kala tirsan Maamulka degmada Baardheere,Saraakiisha Ciidamada iyo Madax kale.
Ugu horeen Waxaa munaasabada ka Hadley,islamarkaana ka sheekeeyey Taariikhda XDS,Col.Cisman Cali Saalax oo ah Taliyaha Dugsiga Tababarka degmada oo sheegay Munaasabadan inay muhiim u tahay Ciidamada XDS.
Sidoo kale L/xidigle.Cali Cismaan (Cali Jiijile) oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Guutada 10aad ee degmada Baardheere ayaa dhamaan Ciidamada XDS ugu hambalyeeyey Xuska 12 Abril oo ah Sanad guurada 64aad ee Maalinti Dhidibada loo tagay Ciidanka XDS.
Gebagebadii Munaasabada xuska 12ka abril ayaa waxaa ka Hadley Maxamed Yuusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere,waxuuna dhambaal hambalyo ah u direy dhamaan Ciidamada XDS iyo Qoysaskooda,waxuuna farey Ciidamada inay u istaagaan difaaca dalkooda iyo diintooda
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu