Somali welfare Educational Organization

Somali welfare Educational Organization

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali welfare Educational Organization, Charitable organisation, Mogadishu.

19/04/2026

SOWEDO Organization waxay si sharaf leh u ogeysiinaysaa in qaar ka mid ah xubnaha ururka, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SOWEDO, ay galabta booqasho rasmi ah ku tagi doonaan Iskuulka Al-Nashaad Primary & Secondary School.
Booqashadan waxay qayb ka tahay dadaallada SOWEDO ee lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhiirrigelinta ardayda, iyo taageeridda dugsiyada Soomaaliyeed.
Inta lagu jiro booqashada, waxaa diiradda lagu saari doonaa:
Dhiirrigelinta ardayda iyo kor u qaadista hamigooda waxbarasho
La kulanka maamulka iyo macallimiinta iskuulka
Qiimeynta baahiyaha waxbarasho si loo helo taageero mustaqbalka
SOWEDO waxay aaminsan tahay in iskaashi iyo wadajir ay horseed u yihiin bulsho waxbarasho leh oo horumarsan.
📍Goobta: Al-Nashaad Primary & Secondary School
đź•’ Waqtiga: Galabta
SOWEDO Organization – Horumarinta Waxbarashada & Daryeelka Bulshada

09/04/2026

📢 SOWEDO ORGANIZATION – DEPARTMENT OF PROGRAMS

🎓 SOWEDO NATIONAL EXAM PREPARATION PROGRAM 2026

Ururka SOWEDO (Somali Welfare Educational Organization) wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u diyaar garoobaya Imtixaanka Qaranka, in la qabanayo barnaamij gaar ah oo lagu xoojinayo aqoontooda laguna gaarsiinayo guul.
Barnaamijkan wuxuu diiradda saaraya dib-u-eegis casharro, hagid waxbarasho, iyo dhiirrigelin si ardaydu u gaaraan natiijooyin sare.
📌 Program Information
Date: Khamiis, 16-ka Abriil 2026
Time: 1:00 Duhurnimo (13:00)
Location: SYL University
Shift: Part-Time (Khamiis & Jimce)
Duration: 1 Month Only
Registration Fee required
Program Fee: Bilaash (Free)
📞 Contact: 0610480780 / 0621480780

📍 Ama nagu soo booqo xafiiskeena oo ku yaalla KPP, agagaarka Kariye Apartment
✨ Ha lumin fursaddan! Ka faa’iidayso barnaamij bilaash ah oo kaa caawinaya inaad si kalsooni leh ugu diyaar garowdo imtixaankaaga.

09/04/2026

🌙 JUMCA MUBAARAK 🌙
Ururka SOWEDO (Somali Welfare Educational Organization) wuxuu dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan xubnaha, taageerayaasha, iyo saaxiibada ururka, u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta barakaysan ee Jumcada.
Jumcadu waa maalin fadli badan oo Alle (SWT) ku mannaystay addoomihiisa, waana maalin ay ku jirto saacad la aqbalo ducada. Aynu ka faa’iidaysanno maalintan barakaysan adigoo kordhinaya:
Akhrinta Suuratul Kahf
Salaadda Nabiga (NNKH)
Ducada iyo istighfaarka
Samaynta camal wanaagsan iyo is-caawinta bulshada
📿 “Qofkii ii soo dira hal salaad, Alle wuxuu u soo dirayaa toban naxariis.” – (Xadiis Saxiix ah)
SOWEDO waxay ku boorrinaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan midnimada, is-gargaarka, iyo taageerada waxbarashada si loo helo bulsho horumarsan oo ifaysa.
✨ Jumca Mubaarak!
Alle ha inaga aqbalo cibaadadeenna, hana inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fadliga maalintan barakaysan. Aamiin.

Photos from Somali welfare Educational Organization's post 06/04/2026

Ururka SOWEDO Organization waxa uu dib u bilaabayaa Barnaamijkii Sanadlaha ahaa ee Taageerada iyo Dhiirrigelinta Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan u fariisanaya Imtixaanka Qaranka 2026.
Barnaamijkan muhiimka ah waxa uu diiradda saaraya taageeridda ardayda si ay u helaan diyaar-garow wanaagsan, dhiirrigelinta si ay u gaaraan guul sare, iyo hagid waxbarasho oo ka caawinaysa inay kalsooni buuxda ku galaan imtixaanka.
SOWEDO waxa ay markasta u taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo garab istaagga ardayda Soomaaliyeed si ay u noqdaan jiil leh aqoon iyo karti.
Faahfaahinta waqtiga, goobta iyo diiwaangelinta waxa la soo gudbin doonaa dhawaan Insha Allah.

05/04/2026

SOWEDO ORGANIZATION

📢 Ku Biir SOWEDO

Boggeenna Facebook-ga waxaa lagu soo bandhigaa waxqabadka Welfare iyo Educational ee ay xubnaha SOWEDO qabtaan.

Waxaan u baahanahay xubno nagala qeyb qaata hawlaha samafal iyo tabarucaadka.

Si aad uga mid noqoto, fadlan ka buuxi foomka diiwaangelinta adigoo adeegsanaya linkiga hoose:
đź”— https://forms.gle/9XVekAmzPUhm6TNY7

Marka aad buuxiso foomka, si toos ah ayaa lagula soo xiriiri doonaa.

Ku soo biir SOWEDO maanta oo ka mid noqo isbeddelka bulshada. 🌿

26/03/2026

Jumu’ah Mubarak 🌙

SOWEDO Organization waxay hambalyo iyo duco u diraysaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan xubnaheeda qiimaha leh.

Maalinta Jimcaha waa maalin barakeysan oo fadli badan leh, waa fursad aynu ku xoojino cibaadadeena, isu naxariisanno, una duceyno nafteena iyo bulshada inteeda kale.

🤲 Ilaahay ha inaga aqbalo camalkeena wanaagsan
🤲 Ha inaga yeelo kuwii is caawiya oo wanaagga faafiya
🤲 Ha barakeeyo howlaha samafal ee aan u hayno bulshada

Jumu’ah Mubarak dhammaan!
SOWEDO Organization

Want your organization to be the top-listed Non Profit Organization in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address


Mogadishu