Maxamed Bulbul

Maxamed Bulbul

Share

Journalist Covering Somalia. I'm a news reporter & Interviewer mostly at #UniversalSomaliTV. I advocate for press freedom:

22/06/2026

Gabadha sida foosha xun loola dhaqmay ee Beerta Banaadir, waa mid aan la aqbali karin, aadna u fool xun. Waa arrin u baahan in dhallinta ciyaalsuuqa ee falkaasi ka danbeeyay lagu la xisaabto. Sidoo kalena, ka hadalkeedu waa waajib akhlaaqeed iyo mid bani’aadannimo.

Balse waxaa is weydiin mudan, gabdhaha labadii maalmood ee u danbeeyay arrimahaan kaga hadlayay baraha bulshada islamarkaana shalay sameeyay bannaanbax, maxaa garashada gabdhahaasi loogu waayay inay hal maalin ka hadlaan xadgudubka iyo xarigga lagu hayo Sacdiyo Bajaaj oo muddo dhowr bilood ah xabsi ku jirta?

Xuquuqda gabdhaha ee ay u doodayaan miyaysan ku jirin xuquuqda Sacdiyo Bajaaj? Mise mudaharaadka iyo ololuhu wuxuu la xiriiray arrin gaar ah oo keliya?

17/06/2026

“Waa Shabaab”, “Waa RSF”, “Shisheeye ayuu la shaqeeyaa”.

Waa ereyo si joogto ah uga dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya toddobaadyadii iyo bilihii u dambeeyay, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada. Ilaa hadda, inta badan eedeymaha ay dhinacyadu isu jeedinayaan looma hayo caddeymo rasmi iyo xaqiijin madax-bannaan.

👉 https://shorturl.at/SB3zm.

16/06/2026

Muddo 64 maalmood ah ayuu weriye Cabdirisaaq Cizeeye ku xiran yahay Muqdisho, kadib markii uu xayeysiin u sameeyay shirkad ka shaqeysa arrimaha duulimaadyada, taas oo milkiilaheedii uu lunsaday lacago.

Weriye Cabdirisaaq waa aabbe mas’uul ka ahaa nolosha carruurtiisa iyo daryeelka labadiisa waalid oo waayeello ah.

Haddaba, maxaa loogu hayaa xabsiga muddada intaas la'eg, maxaase dacwadiisa loo qaadi la’yahay?

W/Q: Maxamed Bulbul

16/06/2026

WAR CUSUB: Waxay xiisd xooggan ka dhex taagan tahay Maareeyahaya Hay’adda Dhowrista Xogta, Ina Colow, iyo Maareeya Ku-xigeenka Hay’adda Daa’uud Shigaaye.

Xiisaddaani waxay gaartay in Daa’uud laga reebo shir heer caalami ah oo Hay’adda kaga qayb galayso Istanbul, Turkiga.

Dhanka kale Daa’uud oo caraysan ayaa gaashaan-buuraysanaayo kooxda Madaxtooyada oo ka kooban Hinda Culusow, Maslax iyo Cabdirisaaq British, wuxuuna dadaal xooggan ku bixinayaa helitaanka booska Ina Colow ee Maareeyaha Hay’adda.

Arrintaan ayaa imaanaysa kaddib markii Ina Colow uu qandaraas dood dhaliyay uu siiyay ina adeerkiisa Axmed STS, islamarkaana la musuqay qarashaad loogu deeqay Hay’adda.

Waxaa qoray: Maxamed Bulbul

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Maka Al-Mukarama
Mogadishu