Ruun_nirgood district
Warar la hubo
10/04/2026
Waxaa muuqata in isbeddel ku yimid dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab (AS), iyadoo xogaha laga helayo gobollada Mudug iyo Shabeellaha Hoose ay muujinayaan in dawladda ay hadda xoogga saarayso xeerka ah Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR) oo ah; ururinta xogta, ilaalinta joogtada, iyo sahminta goobta cadawga, si loo fashiliyo weerarrada inta ay ku jiraan heerka abaabulka.
Labo tusaale ayaa la soo qaadan karaa. Tusaalaha koowaad waa dhacdadii ka dhacday deegaanka Tawarmooge ee gobolka Mudug. Dhacdadan, waxay tusaale cad u tahay qaacidada milatariga ee ah in cadawga loo ogolaado inuu soo baxo si loo helo bartilmaameed ballaaran oo hal meel isugu yimid. Habkan oo loo yaqaano "Containment and Strike" (Xakamayn iyo Duqayn), wuxuu ogolaaday in diyaaradaha Akinci (oo ay dhalinyartu ula baxsatay Queen Manoogto) ay shaashadaha kala socdaan dhaqdhaqaaqa jabhadda iyo gaadiidka qaraxyada ee ay wataan, iyadoo aan wax tallaabo ah la qaadin, ilaa laga xaqiijinayo inay hal meel isugu yimaadaan, si loogu dhufto gantaallo ragaadinaya cududdii kooxda.
Marka la eego falsafadda dagaalka ee xeeldheerihii Sun Tzu ee ahayd in guusha ugu weyni ay tahay inaad fashiliso qorshaha cadawga kahor inta uusan fulin, dawladda waxay isticmaashay xeerka "War-moognimada". Kooxda AS waxaa loo ogolaaday inay si kalsooni leh u soo rartaan gaadiidka, iskudubaritaan dagaalyahannadooda, ugu dambayna maalin isugu keenaan hal meel, si uu ula hadlo hoggaankooda, iyagoo aaminsan inaan la arkayn, balse dhab ahaantii waxay ku jireen dabin farsamaysan. Tani waxay keentay in weerarkii loo qorsheeyay magaalada Xarardheere uu fashilmay, taas oo dhalisay khasaaro dhimasho oo gaaraya in ka badan 115 dagaalyahan iyo burburka gaadiidkii muhiimka u ahaa hawlgalkaas. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa in awoodda cirka iyo sirdoonka elektaroonigga ah ay hadda dawladda siinayaan gacanta sare, iyadoo la yareeyay baahidii loo qabay dagaal fool-ka-fool ah oo dhiig badan ku daato.
Tusaalaha labaad waa qabashada sarkaalka sare ee Salaad Dheere oo ku hawlgala magaca Saham. Dhacdadan kale, waxay dhamaystiraysaa isbeddelkan, iyadoo muujinaysa in xogta dadka laga helo iyo hawlgallada tooska ah ee dhulka ay yihiin kuwa dhabta ah ee wiiqaya awoodda kooxda. Saham oo ahaa Taliye Guuto oo khibrad weyn u lahaa deegaanka, qabashadiisu waxay ciidamada dawladda iyo kuwa AUSSOM u sahashay inay helaan xog xasaasi ah oo ku saabsan shabakadaha ismiidaaminta iyo dagaalyahannada ajaanibta ah ee la keenay gobolka Shabeellaha Hoose.
Isku-darka labadan dhacdo waxay caddaynayaan in dawladda Soomaaliya ay hadda si guul ah u tijaabisay qaacidada 'Surgical Precision and Strategic Pressure' (Beegsiga bartilmaameedka saxda ah iyo cadaadis Istaraatiijiyadeed). Habkan cusub wuxuu meesha ka saari karaa—haddii la joogteeyo—khatartii joogtada ahayd ee maleeshiyaadkii aroorta h**e qaraxyada iyo weerarrada cagmarinta ah kula kallihi jiray fariisimaha ciidanka.
12/10/2025
Sanadkaan metelaadda reerka Daa'uud wadasame yaad is leedahay waa u qalmaa?
In soonka iyo ciidda lagu ka la duwanaado sharci ahaan waxba kuma jabna, caammada iyo culumo-caammadu dadka dhex boodayana yaanay arrinta ku wareerin oo aanay tafaraaruq bulsho ka dhigin:
Madaahibta kale inta aan la gaarin mad-habka shaaficiga ayaa xitaa isku khilaafsan oo xukunka masalada qaar baa qaba in aanay midkoodna kugu waajibayn haddii bisha laga arko meel kuu jirta masaafo salaadda lagu gaabin karo. Qiyaastii meel 83km kuu jirta bil laga arkay ayaa aadan ku afurayn oo aadan ku soomayn, war la iska yirina ma aha. Madaahib qabta in haddii degaan islaam bisha laga arko ay waajib tahay in lagu raacana waa ay jiraan. Waxaa oo dhan caddayn buu mid waliba wataa, waxna kuma ay jabna. Waxa ugubka ah ee bidcada ah waa waxa la dhaho midaynta aragtida oo uu sacuudigu bilaabay taariikh hadda iga maqan oo aan mar ka akhriyay cilmbaaris uu qoray sheekh shirkaa ka qaybgalay oo dadkii diiddanaa ku jiray. Xilli toban iyo dhawr sano laga joogo bay ahayd, waan se baarayaa kitaabkaas oo dib baan dadka ka la wadaagi doonaa.
Intaasi waa taa, haddana qaabka bisha loo xaqiijiyo axkaam culus bay leedahay, qofkii warka sharci ahaan ugu qanci waayana khasab kuma ay aha-haddii ay ururnimo ku riixaysana hadde hoog ayaa xag Alle u jira.
Qofkii warka uu maqlo ku qanca ee qaata, eed ma leh, camalkiisana Ilaahay in uu u aqbalo ha weydiisto.
Wax weyn oo lagu xifaaltamo meesha ma yaallaan, ummad aan awalba midaysnaynna yaan midnimadooda lagu halbeegin meel aysan jirin.
Kii soomman Allaha ka aqbalo, kii ciidayna Allaha ka aqbalo, labada qolana Allaha barakeeyo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu