SNA RADIO
This is the Official Page of Somali National Army Radio (SNARADIO) Based in Mogadishu Somalia. (Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida)
08/07/2026
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar Ahaan Ururka 251'aad Guutada 25'aad ayaa Howlgal Amni xaqiijin ah Ka Sameeyay Deegaanada Balad amiin,
Macalinka, Kuteedharka, iyo dhulka howdkaa ee jiinka webiga Gobolka Shabeellada Hoose .
Ciidanka ayaa ku guulaystay ineey ay baacsadaan maleeshiyaadka argagexisada ee ku dhuumaalaysanayay deegaanadaas , iyagoo amni xaqiijin ka sameeyay dhamaan wadooyinka oo ay khawaarijtu ku aasaan miinooyinka mac- malka ah si aanay ugu wax yeeloobin dadka rayidka ah ee safarayda ah, iyo dhulka howdka ah ee ay ka samystaan fariisimooyin ay gabaadsadaan.
Taliyaha ururka 251'aad Maxamed Xasan Abuukar (Dhala-dheere) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa xusay in ay u taagan yihiin ilaalinta dadka shacabka ah oo ay gumaysiga la rabaan khawaarijtu , markastana ciidanku ay u taagan yihiin joogtaynta howlgallada nuucaana ee dharbaaxada kulul ku ah argagexisada.
Taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa wada howlgallo cir iyo dhul ah oo cimriga loogu gaabinayo argagexisada lidiga ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed.
08/07/2026
WASIIRKA WASAARADDA GAASHAANDHIGGA XFS OO UU WEHELIYO TALIYAHA CIIDANKA XDS AYAA KORMEER SHAQO KU TAGAY DUGSIGA TABABARKA QORILOW EE CIIDANKA XDS
Qorilow, 08 Luulyo 2026: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Qorilow ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi ku booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS, gaar ahaan Guutada 19-aad, Qaybta 1-aad Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Dhulka XDS iyo Ciidamada Xaq u dirirka Deegaanka, kuwaas oo dugsiga ka qaadanaya tababarro asaasi ah oo lagu tayeynayo aqoontooda ciidan, xirfadaha dagaalka, iyo diyaar garowga howlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka.
Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha dugsiga iyo macallimiinta tababarka, iyagoo ku bogaadiyey dadaalka lagu horumarinayo tayada ciidamada. Waxay sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay ka faa’iideystaan tababarka, ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, kana shaqeeyaan difaaca dalka, shacabka, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso dhismaha, tayeynta, iyo diyaarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
08/07/2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaannada Xaaji Cali iyo Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen furimaha dagaalka ay caddeyn u yihiin in argagixisada Al-Shabaab ay lumisay awooddii ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyn jirtay.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada dalka looga ciribtirayo argagixisada, ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.
Wuxuu sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo geesinimadooda, isagoo caddeeyay in ay ku jiraan jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan Diinta, dalka iyo dadka.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan howlgalada socda, isagoo faray inay sii xoojiyaan feejignaanta, wadajirka iyo adkeysiga si loo gaaro guulo isdaba joog ah.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay sii wadaan howlgalada ilaa laga ciribtiro argagixisada Al-Shabaab, lana xaqiijiyo amniga guud ee dalka.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dardargelinayaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo niyadda iyo diyaar-garowga ciidamada ku sugan furimaha h**e ee dagaalka.
07/07/2026
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar Ahaan Ururka 251'aad Guutada 25'aad ayaa Howlgallo Bur-burin Ah Ka Sameeyay Deegaano Hoostaga Deegaanka Toora-tooroow Ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Deeganada Shabeeley, Bangaley, Fay yuusuf iyo
Cismaan dure oo Hoos taga Deegaanka Toora-tooroow ayeey ciidanku howlgallo sifayn iyo bur burin ah ka sameeyeen, howlgaladaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay fariisimo ka dhiganayeen khawaarijtu .
Taliyaha ururka 251'aad Maxamed Xasan Abuukar (Dhala-dheere) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa xusay in ay bur buriyeen fariisimo ay argagexisadu gabaad ka dhiganayeen si ay u dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan deeganada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen, lagana hortagay dhagaro ay u maleegayeen dadka rayidka ah ee u nugul dhibaatayntooda.
Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa wada howlgallo jihooyin badan oo lagu naafaynayo cadawga khawaarijta ah ee lidka ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Mogadishu