DANAB MEDIA

DANAB MEDIA

Share

Waad Mahadsantihiin Sidaad Noola Soo Xariirtan Umadena aan Jecelnahay

DANAB WAA MUSTAQBALKA DALKA. Nagalaso Xiriir 575

Photos from DANAB MEDIA's post 07/10/2026

Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Buulo Doonka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa hawlgallada joogtada ah ee ciidamada Danab ay ka wadaan deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ujeeddadu tahay xaqiijinta amniga, ka hortagga dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Khawaarijta iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa howlgalka ku bartilmaameedsaday goobo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku lahaayeen dhaqdhaqaaqyo, waxaana ciidamada ay si taxaddar iyo qorsheysan u fuliyeen howlgalka, iyagoo xaqiijinaya amniga deegaanka iyo nawaaxigiisa.

Danab — Difaaca Dalka, Ilaalinta Shacabka.

Photos from DANAB MEDIA's post 06/10/2026

Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku Teedsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday burburiyey goobo ay Khawaariijta u adeegsan jireen jid-gooyooyin iyo isbaarooyin, kuwaas oo caqabad ku ahaa isu-socodka shacabka iyo gaadiidka isaga kala goosha deegaannadaasi.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlgallada ciidamada Danab ay ku doonayaan in lagu sugo amniga waddooyinka, lagu burburiyo goobaha jid-gooyooyinka ah, isla markaana shacabka looga yareeyo caqabadaha iyo khataraha ka dhasha amni-darrada.

05/10/2026

KHAWAARIJTA GODADKII AY QOTEEN AYAA U NOQDAY XABAALO — URURKA 162-AAD EE DANAB OO HOWLGAL QORSHEYSAN KA FULIYEY GOBOLKA JUBADA HOOSE

Telephone

Website

Address


Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DANAB MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Mogadishu.