Green Media Initiative - GMI

Green Media Initiative - GMI

Share

Our work include producing documentaries, films, messages, radio programs and podcasts focusing on green sectors and climate impact.

04/03/2026

The impact of drought in Somalia

25/02/2026

7. Ka Qaybgal Ololayaasha Afurinta iyo Gurmadka Abaaraha

Soomaaliya waxay safka h**e kaga jirtaa dalalka ay sida daran u saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimilada, taasoo keentay cunto yari, biyo la’aan iyo barakac ballaaran. Xiligan ramadaanka ah, malaayiin Soomaaliyeed ayaa wajahaya nolol adag, iyagoo u baahan gargaar degdega oo ah cunto iyo biyo nadiif ah. Ramadaan waa bil naxariis, wadaag iyo is-garabsi; sidaas darteed, ka qaybgalka ololayaasha afurinta iyo gurmadka abaaraha ma aha oo keliya samafal, balse waa maalgashi nololeed iyo mid cimilo oo xoojinaya adkeysiga bulshada. Marka aad taageerto qoys sooman oo baahan, waxaad badbaadinaysaa nolol, yareynaysaa saameynta musiibooyinka dabiiciga ah, isla markaana kordhinaysaa ajarkaaga.

Nabiga ﷺwuxuu yiri:
“Qofkii afuriya qof sooman, wuxuu helayaa ajarkiisa oo kale.” (Tirmidi)

24/02/2026

6. Iibso Wax-soo-saarka Gudaha Ramadaanka

Doorashada wax-soo-saarka gudaha waa mabda’ ku qotoma taageeridda dhaqaalaha bulshada, xoojinta beeraleyda iyo dhiirrigelinta isku-filnaanshaha dalka. Taageeridda suuqyada maxalliga ah iyo wax-soo-saarka gudaha waxay yaraynaysaa qiiqa gaadiidka, hoos u dhigtaa qashinka iyo wasakhowga magaalooyinka, isla markaana kobcisaa dakhliga beeraleyda dalka iyo ganacsatada yar yar. Soomaaliya oo si toos ah u wajahaysa saameynta isbeddelka cimilada, xoojinta wax-soo-saarka gudaha waa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo horumar waara, shaqo-abuur iyo adkeysi bulsho.

Alle SWT wuxuu yiri:
“Iska kaashada wanaagga iyo cabsida Alle.”(Al-Maa’idah 5:2)

Linkiga hoose ka akhri warbixinta: 10 tallaabo oo aad ku soomi karto ramadaan cagaaran. La wadaag saaxiibadaada.

23/02/2026

5. Ka Qayb Qaado Ololayaasha Nadaafadda

Qashinka sii kordhaya ee magaalooyinka wuxuu sababaa cudurro, ur, iyo wasakhow, waxa uu qashinku dhibaato ku hayaa xeebaheena kuwaas oo halistiisu usii gudbin kara noolayaasha kala duwan ee bariga iyo badda labadaba. Nadaafaddu waa tiir ka mid ah iimaanka, waana mas’uuliyad wadajir ah, sidaas darteed ka qaybgal nadiifinta masaajidda, xaafadaha, suuqyada iyo xeebaha. Ilaalinta nadaafadda waa ilaalinta caafimaadka bulshada iyo badbaadinta deegaanka.

“Ka qaadista wax dhib ah waddada waa sadaqo.” (Muslim)

Linkiga hoose ka akhri warbixinta: 10 tallaabo oo aad ku soomi karto ramadaan cagaaran. La wadaag saaxiibadaada.

22/02/2026

4. Yaree Isticmaalka Bacaha iyo Caagga

Caagga iyo qashinkiisu waxay xiraan marinnada biyaha, kordhiyaan fatahaadaha xilliga roobka, waxyeelleeyaan xoolaha iyo noolaha badaha, isla markaana waxay wasakheeyaan xeebaha dalka. Xeebaha Soomaaliya waa hanti qaran oo taageerta kalluumeysiga, iyo dhaqaalaha buluugga ah, iyaga oo nolol u abuura malaayiin qof oo soomaaliyeed. Yaraynta bacaha halka-mar la adeegsado iyo doorashada qalab dib loo adeegsan karo waxay yaraynaysaa qashinka iyo wasakhowga. Islaamku wuxuu mamnuucay waxyeello kasta.

“Waxyeello ma bannaana, waxyeellana laguma celin karo.” (Ibn Maajah)

Linkiga hoose ka akhri warbixinta: 10 tallaabo oo aad ku soomi karto ramadaan cagaaran. La wadaag saaxiibadaada.

21/02/2026

3. Ha Jarin Geedaha – Beer Geed Cusub

Jarista dhirtu waxay kordhisaa kulaylka magaalooyinka, nabaad-guurka dhulka iyo roobka oo yaraada. Geeduhu waxay qaboojiyaan hawada, yareeyaan kaarboonka, xoojiyaan carrada si wax-soosaarku u wanaagsanaado, waxayna u noqdaan hoos iyo nolol xoolaha iyo dadka.

Beerista geed cusub ama ilaalinta geed jira waa maalgashi cimilo iyo sadaqo socota oo ajar joogto ah leh. Soomaaliya oo u baahan dib-u-dhirayn, ficil kasta oo geed lagu beero waa talaabo mustaqbalkeena lagu badbaadinayo ajar bandanna laga helayo.

“Haddii Muslim geed beero… waxay u tahay sadaqo.” (Bukhaari & Muslim)

Linkiga hoose ka akhri warbixinta: 10 tallaabo oo aad ku soomi karto ramadaan cagaaran. La wadaag saaxiibadaada.

20/02/2026

2. Yaree Isticmaalka Biyaha.

Soomaaliya waxay kujirtaa abaaro ba’an oo sababtay barakac, gaajo iyo xoolo la’day. Qiyaastii 5 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ayaa u baahan gargaar degdeg ah oo biyo iyo cunto ah. Dhibaatadu kuma koobna dalkeenna oo keliya—adduunka oo dhan ayaa laga dareemayaa dhibaatada biyaha; in ka badan laba bilyan oo qof dunida ma helaan biyo nadiif ah oo joogto ah. Sidaas darteed, biyuhu ma aha oo keliya khayraad dabiici ah ee waa laf-dhabarta nolosha. Ramadaanta gudaheeda waa in si miyir leh loo isticmaalaa biyo kasta. Badbaadinta biyuhu waa mas’uuliyad diini ah, ajar leh iyo tallaabo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada.

Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
“Ha khasaarin biyaha xitaa haddii aad ku sugan tahay webi qulqulaya.” (Ibn Maajah)

Hoos ka akhri warbixinta: 10 tallaabo oo aad ku soomi karto ramadaan cagaaran. La wadaag asxaabtaada.

19/02/2026

1. Jooji Khasaarinta Cuntada

Ramadaanka waxaan aragnaa miisaska guryaha oo laga buuxiyay cuntooyin kala duwan, kuwaas oo in badan la daadiyo, halka qoysas badan oo Soomaaliyeed ay la dhibaataysan yihiin cunno yari. Qashinka cuntadu wuxuu la micno yahay biyo la khasaaray, gaas iyo qiiq la siidaayay, dhir la gubay, iyo deegaanka oo la wasakheeyay.
Soomaaliya oo wajahaysa cunto yari iyo nafaqo darro, qorshaynta cuntada iyo yaraynta qashinku waa tallaabo muhiim ah. Diyaari inta loo baahan yahay, dib u isticmaal hambada ama hadhaaga, una qaybi wixii dheeraad ah dadka baahan. Tani waa caddaalad bulsho iyo cibaado isku jirta.

Alle SWT wuxuu yiri:
“Cuna oo cabba, hana xad-gudbina. Eebbe ma jecla kuwa xadgudba.” (Al-Acraaf 7:31)

Hoos ka akhri warbixitanta 10 tallaabo oo aad ku soomi karto ramadaan cagaaran. Lana wadaag asxaabtaada.

10 Tallaabo oo Aad Ku Soomi Karto Ramadaan Cagaaran - Green Media Initiative 18/02/2026

𝐖𝐄𝐋𝐈 𝐌𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐍𝐓𝐀𝐘 𝐑𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀𝐀𝐍 𝐂𝐀𝐆𝐀𝐀𝐑𝐀𝐍?

Ramadaan waa bil cibaado, toobadkeen iyo dib-u-eegis nololeed, balse sidoo kale waa fursad lagu hagaajin karo xiriirka aan la leenahay deegaanka. Soomaaliya oo wajahaysa abaaro soo noqnoqda, fatahaado, xaalufin dhir iyo kuleyl sii kordhaya, waxay ka mid tahay dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada.

Ramadaan cagaaran micnaheedu waa in cibaadadeennu ku darsato mas’uuliyad deegaan–yaraynta qashinka, badbaadinta khayraadka, taageeridda bulshada tabaalaysan iyo ilaalinta noolaha kale. Halkan ka akhri 10 tallaabo oo kugu hagi kara sida aad Ramadaantaada uga dhigi karto mid cagaaran oo ajarkeeda labanlaaban. 🌿

10 Tallaabo oo Aad Ku Soomi Karto Ramadaan Cagaaran - Green Media Initiative Ramadaan waa bil cibaado, toobadkeen iyo dib-u-eegis nololeed. Waa waqti aan ku hagaajinno xiriirka aan la leenahay Alle iyo dadka iyo deegaanka. Laakiin maanta, Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad deegaan oo adag: abaaro soo noqnoqda, fatahaado wax burburiya, xaalufin dhir, wasakhow sii kordhaya iy...

17/02/2026

Soomaaliya waxay galaysaa marxalad cusub iyadoo isu diyaarinaysa qodista ceelkeedii ugu horreeyay ee shidaal “Curad 1” — tallaabo loo arko fursad dhaqaale oo weyn oo koboc, maalgashi iyo horumar qaran keeni karta. Laakiin fursad walba waxay la timaadaa khatarteeda.

Hadaba ma u diyaarsanahay khataraha ku imaan kara deegaankeena ee la socda shidaalka? Akhri maqaalka uu qoray khabiir deegaanka iyo isbeddelka cimilada Abdirahim Husu Mohamed. Link-ga hoose ka eeg.

Want your business to be the top-listed Media Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address


Hodan
Mogadishu