ABO Times
Welcome to The Abo Times on Facebook, a place where people can discuss news and ideas. kala soco war wixii ugu dambeeyay dunida daafaheeda
Waa Kuma ABWAAN MAXAMED IBRAAHIM WARSAME "HADRAAWI" Allah Unaxariisto
28/03/2022
SAAKAY IYO BALADWEYNE
Ciidan ka gadoodsan hanaanka loomarayo kursiga Hop059 oo lafilayo in lashaaciyo liiska xulista ergada ayaa xirtay afaafka h**e ee taliska xerada Lamagalaay oo saaka lagu waday inaay ka dhacdo doorashada kursiga Hop058.
Maamulka iyo musharaxinta ayaa isku khilaafsan shaacinta liiska xulista ergada, waxaana lasheegayaa in maamulku uu xigsanaayo garabyo musharixiinta kamid ah.
Kuraasta 059, 019 iyo 039 ayaa weli aanan lafasixin liiska soo xulista ergada ayadoo lagu madlanaa in maalmo kahor lashaaciyo si doorashada kuraastas aay u dhacdo.
Xigasho Abdirisak M. Abdulle
27/03/2022
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka, shirkaas oo looga hadlayey adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.
Taliyaha ayaa Saraakiisha Ciidanka faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay argagixisada arxanlaaweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee birimagaydada ah, sidoo kalena la labo jibbaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan Caasimadda inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
26/03/2022
Xuutiyiinta Yemen ayaa gantaallo ku weeraray Warshadda Shidaalka ee dalka Sucuudiga, magaalada Jidda. Qiiq ayaa hawada is qabsaday, iyadoo sawirradu muujinayaan baaxadda dhibaatada.
18/03/2022
Xildhibaanad Ilhaan Omer oo ka mid ahayd xildhibaanadii waftiga madaxwayne Biixi la kulmay ayaa sheegtay in aanay si sax ah u fahmin lahjada ay ku hadlayeen waftiga madaxwayne biixi.
Ilhaan cumar in kaste oo ay kasoo jeedo koonfurta Somaiya haddana wakhtigii ay u ordaysay kursiga xildhibaan nimo guud ahaan ba deegaanada Somalida Taageero wayn ayaa looga muujiyay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Address
Mogadishu